Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ugu baaqay Beesha Caalamka in ay Puntland ka caawiyaan Abaaraha.[Cod/Masawiro]

February 5, 2016 - Written by Editor

IMG_2821Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05-Feb-2016 kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe in kabadan 30 hay’adood oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxalli ah kuwaas oo dhammaan  tood ka hawl-gala Puntland. Madaxweynaha ayaa hay’adahaasi waxaa uu kala hadlay xaaladda abaaraha ee kajirta Puntland iyo sidii wax looga qaban lahaa maadaama uu jiro dhaqaale badan oo magaca soomaaliya lagu soo qaadoo kaas oo lasoo marsiiyo hay’adaha gar-gaarka balse aan intiisa badan dhaqaalahaasi lagu bixin meelihii loogu talo galay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu soo dhammaaday kulankaasi waxaa uu shirjaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada Puntland waxaana uu baaq u diray Waddamada Deeqda bixiya iyo hay’adaha Caalamiga ah in ay gacan ka geystaan abaaraha kajira Puntland maadaama ay yihii abaaraasi kuwo ka awood badan Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale sheegay in waqti xaadirkan Puntland ay abaaro ka jiraan isla markaasna la-lafilayo in ay abaaro cusubi kusoo wajahan yihiin Puntland sida ay sheegtay hay’adda Puntland u qaabilsan ka hor-tagga Masiibooyinka ee HADMA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo qaybo kamid ah Sool ay yihiin meelaha ugu daran ee ay abaarahaasi saameeyeen welibana ay kamid yihiin dhulka lafilayo in ay kusoo wajahan yihiin abaarahaasi.

Madaxweyne Dr.Cabdiweli ayaa tilmaamay baaxadda ay yeelan doonto abaaraha lafilayo in ay Puntland kusoo wajahan yihiin sida ay sheegtay hay’adda HADMA ay yihiin kuwo ka-xun abaarihii hore u jiri jiey isla markaasna loo baahan yahay Dawladda Puntland in laga Caawiyo.

“waxa la-sheegay in %65 dhulka daaqsinta ah abaartaasi ay saamaynayso, halka %70 xoolaha Puntland ay abaartaasi saamayn doonto, waxa kaloo lasheegay in 213,000(labo boqo saddex iyo toban kun) oo qof oo u dhiganta 1.2(hal milyan iyo 200) oo qof oo kamid ah dadka reer miyiga ah ee Puntland in ay dhibaato u geysan doonto abaartaasi”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

“anaga ka xukuumad ahaan waxaa naga saaran waajib Diini ah iyo mid Dawli ah, welibana aanu lahaano qorshe ku aaddan abaarta, laakiin waxaan ogahay in ay naga awood badan doonto oo dawladda Puntland aysan oo awood u lahayn in keligeed ay xaaladaasi wax kaqabato”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Ugu Dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa eebbe uga baryey shacabka Puntland in uu ka dulqaado abaarta iyo dhibaatada saamaysay isla markaana uu ugu beddelo raxmaad khayr qaba oo ka samata bixiya abaaraha aafeyey Puntland.

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ugu baaqay Beesha Caalamka in ay Puntland ka caawiyaan Abaaraha

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Abaar%20Madaxweynaha-Puntland.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—-DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online