Madaxweynaha DFS Xasan Sh.Maxamuud oo gaaray magaalada Munich ee dalka Jarmalka

February 12, 2016 - Written by Editor

IMG_2689-Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaami nayo ayaa ka degey magaalada Munich ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka, isagoo ka qeybgalaya Shirka 52-aad amniga ee Munich (Munich Security Conference).

Shirkan caalamiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgalaya ilaa 30 hoggaamiye oo waddamada dunida ka socda, iyo ilaa 70 wasiirro dibadeed iyo difaaca.

Arrimaha ugu waaweyn ee diiradda lagu saarayo shirka sannadkan waxaa ka mid ah xasiloonida dalalka Saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Syria, xakameynta hubka, iyo cudurada ku sii baahaya dunida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in inta shirkan uu socdo uu hadal ka jeediyo, isagoo ka warami doona xaaladda amniga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika guud ahaan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Amniga S/Guuto Cabdiraxmaan Sheekh Ciise iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madaxtooyada.

Shirkan ayaa waxaa barbar socon doona kulamo gaar gaar ah oo ay yeelan doonan madaxda iyo wakiillada dalalka ka qeybgalaya, iyagoo ka wadaxaajoon doona xoojinta iskaashiga la xiriira yareynta iyo ka hortagga colaadaha.

———————————DHAMMAAD——————————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online