Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

February 29, 2016 - Written by Editor

xassan2Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaabiyey socdaal uu ku joogay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, dibna ugu soo laabtay dalka, si uu uga qeyb qaato, una horkaco dadaal dowladda ay dib u eegis ugu sameyneyso xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho oo ay dhowaan ka dhaceen weeraro kale oo argagixiso. Madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u dhigay safar rasmi ah oo uu ku tegi lahaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden 1-da ilaa 3-da bisha March 2016.

Booqashadan ayaa looga gol lahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Soomaaliya iyo Sweden waxaa ka dhexeeya xiriir qota dheer, siiba dhinacyada horumarinta, dib u dhiska, soo dhoweynta qaxootiga Soomaalida ee Sweden iyo gargaarka aadmiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa u qorsheysneyd inuu kulamo la yeesho Boqorka Sweden, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan xukuumadda Sweden, kana wadahadlaan horumarka Soomaaliya ay ka sameysey dhinacyada siyaasadda, dib u heshiisiinta, xoojinta taageerada Sweden ee dhinaca maalgashiga dhaqaalaha gaarka ah iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shacabka iyo dowladda Sweden uga mahad celiyay martiqaadka loo fidiyey, balse waxaa uu si weyn uga xun yahay dib u dhaca ku yimid socdaalkiisa, sababo la xiriira xaalado soo kordhey awgood. Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in marka ay xaaladda saamaxdo uu tegi doono Sweden.

————————– DHAMMAAD———————-————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online