Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo kana hadlay ahmiyada amniga.[Daawo]

February 29, 2016 - Written by Editor

Ahmed-MadobeKismaayo:- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dib ugu laabtay xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dib markii uu ka soo qayb galay shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya uu ka dhacay dalka Turkiga. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto amniga iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah ka si wada jir ah uga shaqeeyaan sugida amaanka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku taliyey in cidamada Soomaalida ay waaridiyeeyaan madaxda Dalka Soomaaliya lagana qaado ciidamada AMISOM ee hadda waardiyeeya si ay bal u ogaadaan ahmiyada amniga uu leeyahay iyo in la dhiso ciidamo Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa ku baaqay in dagaal wada jir ah lala galo ururka Al-shabaab oo uu u tilmaamay kuwo cadaw ku ah jiri taanka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe waxaa uu xusay in maqnaashaha Puntlad ee shirka turkiga uu yeeshay saamayn loona baahan yahay in lala xaajooda madaxda Puntland si loo ilaaliyo wada jirka umada Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo shirka jaraa’id ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku qabtay Kismaayo

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online