Puntland oo sheegay in aanay jirin wax heshiis oo dhexmaray PL iyo beesha caalamka.[Dhagayso]

February 11, 2016 - Written by Editor

IMG_9660Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.C/xakiim C/laahi Xaaji Cumar, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, iyo Waftigii uu hoggaaminayey Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa maanta 11-Feb-2016 Shir jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee caasimda Garoowe.

Madaxweynaha Dawadda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay sagootinayaan Waftigan ballaaran ee beesha caalamka ka socda, kuwaas Puntland u yimi sidii ay u ogaan lahaayeen dareenka shacabka Puntland ee ku aadan geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa xusay in waftigan ka socdey Beesha Caalamku intii ay ku sugnaayeen Garoowe inay la kulmeen qaybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland isla markaana ay si dhab ah u arkeen aragtida shacabka Puntland, welibana dadkii ay la kulmeen dhammaantood ay ahaayeen dad si dhab ah u meteli kara shacabka Puntland.

“Waftigu waxay u yimaadeen in ay nala arkaan aragtida shacabka Puntland, waxay la kulmeen Dawladda, Baarlamaanka, bulshada rayidka ah, Isimada iyo siyaasiyiinta, aragtidoodana way arkeen, dadkii ay la kulmeena waxay ahaayeen dad ka turjumi karey dhammaantood rabitaanka shacabka Puntland”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin haba yaraatee wax heshiis ah oo dhexmaray Dawladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo laga gaadhey khilaafkii ka dhashay go’aankii ay qaadatay Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku qotomey doorashooyinka 2016-ka.

“wax heshiis ah oo la gaarey majirto, laakiiin waxaanu isku af-garanay in Beesha Caalamkuna ay dib isugu laabtaan, anaguna aanu sii wadno wada xaajoodka, kuna dedaalno ka-Puntand ahaan iyo sidoo kale beesha caalamkuba inaanu dib isugu soo laabano, lagana wada shaqeeyo sidii soomaliya hore loogu marin lahaa, Waxaan rajeynayaa in isu soo laabadka dambe meesha hadda aanu joogno hore looga sii socdo” ayu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Mechael Keating oo isna geestiisa hadal ka jeediyey shirka jaraa’id ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Shacabka Puntland-ba uga mahadceliyey soodhoweyntii iyo qaabilaadii wanaagsnayd ee ay u sameeyeen Danjiraha iyo waftigiisa.

Danjire Keating ayaa sidoo kale sheegay ahmiyadda safarkiisa uu Puntland ku yimi ku qotomey, isla markaana cadeeyey muhiimadda kulamadii uu la qaadanayey bulshada Puntland ay lahaayeen muhiimad gaar ah maadaama ay la socdeen Danjirayaasha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Iswiidhan, Uganda Itoobiya, urur goboleedka Igad, Midowga Yurub iyo midowga Afrika oo dhammaantood Puntland u yimi sidii ay u ogaan lahaayeen dareenka Shacabka Puntland.

Danjire Michael Keating intaasii sii raaciyey in aanay jirin wax heshiis ah oo halkaan lagu gaadhey, isla markaana sheegay in waxyaabihii ay kala kulmeen qaybaha kala duwan ee Dawladda iyo Dadweynaha reer Puntland ay kula laaban doonaan magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhagayso Madaxweyne Gaas ma jir wax hishiis ah oo la gaarnay beesha caalamka

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Puntland-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Hoos ka Dhagayso Ergayga gaarka Qaramada Midoobay Micheal Keating oo ka garawnay codsiga Puntland

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/kate.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—

XAFIISKAWARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online