Madaxweyne ku-xigeenka PL oo Garoowe ka furay shir looga hadlayo Maamul Baahinta Puntland.[Masawiro]

February 9, 2016 - Written by Editor

IMG_2969Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta 09-Feb-2016 magaalada Garoowe ka furay shir looga hadlayey Maamul baahinta iyo Barnaamijka horumarinta Degmooyinka ee (JPLG).

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Degmooyinka gobolada Puntland ee uu ka socdo barnaamijka JPLG kuwaas oo soo bandhigayey waxyaabihii ay ka faa’iideen muddooyinkii uu ka socdey Barnaamijkaasi JPLG iyo Wax-yaabaha u qorshaysan mustaqbalka dhow.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Puntland ka caawiya dhinaca horumarinta Degmooyinka isagoona geesta kale ku ammaanay Degmooyinkii nasiibka u yeeshay JPLG sida ay uga faa’iideysteen.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ku booriyey guddoomiyayaasha Degmooyinka Puntland in aanay ku fekerin mucaawinooyinka ay helaan oo keliya, balse ay layimaadaan qorshayaal ay bulshada ku horamarin karaan iyagoo ka duulaya barnaamijkii Puntland Haysku Tashato, si bulshada loo gaadhsiiyo adeegyo buuxin kara baahiyohooda.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale Hay’adaha ku booriyey in ay adeegyadooda wada gaadhsiiyan guud ahaan degmooyinka gobolada Puntland isla marahaantaana joojiyaan adeegsiga erayada ay ku tilmaamayaan inaan la gaadhi karin qaybo kamid ah Degmooyinka Puntland, waxaana uu intaa sii raaciyey in Madaxda Dawladda Puntland ay booqasho ku tageen Deegaanada fog-fog ee Puntland, taa beddelkeedana loo baahan yahay in ay hay’aduhuna tagaan degmooyinkaasi.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online