Magaalada Marka oo mar kale u gacan gashay Kooxda Al-shabab

February 6, 2016 - Written by Editor

shabaabWararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarrunta gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay dib u qabsadeen magaalada Marka duhurkii maanta.

Dagaal muddo kooban socday ayuu duleedka magaalada ku dhex maray ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo kooxda al-Shabaab. Illaa iyo hadda lama yaqaan qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi uu dhaliyay.

Arrintani, ayaa waxay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay saaka magaalada ka saareen kooxdii al-Shabaab oo habeen hore dagaal la’aan ku gashay magaalada, markii ay isaga baxeen magaaladaasi ciidamadii AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa VOA u sheegay in dagaal muddo kooban uu dhex maray mar kale al-Shabaab iyo ciidamadii dowladda ee magaalada saaka galay, kuwaas oo markii dambe magaalada ka baxay.

Hadda, waxa magaalada ku sugan kooxda al-Shabaab, siday dadku sheegayaan. Dagaalladan dhacayay, ayaa la sheegay in aan haba yaraatee ku lug laheyn ciidamada AMISOM, waxana wararka aynu heleyno ay sheegayaan in ay ciidamada AMISOM ee Marka ka baxay habeen hore ay degeen xerrada Ayuub oo duleedka magaalada Marko ah.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online