Nadwo ku saabsan Ahmiyada Aminga uu u leeyahay Bulshada oo lagu qabtay Masjida Rowda ee Boosaaso.[Masawiro]

February 5, 2016 - Written by Editor

20160204_182056Boosaaso:-Habeenimadii jimcaha  Bishuna ahayd 1437/04/26”H” Kuna beegnayd 2016/02/4 ayaa Waxaa Masjidka  Al Rowda ee Magaalada Boosaso  kabiowday olole wacyi galin ah . Ololahan oo  bulshada lagu wacyigalinayey Ahmiyada Amniga  loogagana  digayey khatarta qabyaalada ayaa waxaa uu iskugu jiray nadwo , kalmado masaajida , khudbooyinka jucmada, iyo kalmado iskoolada laga jeedinayo .

Ololahan ayaa waxaa ku bilaamatay Nadwado kooban oo hal habeen ah  oo ku saabsanayd  “ AHMIYADDA AMNIGA IYO  KA DIGIDA KHATARTA QABYAALADA”  Nadwadan oo ku soo beegmatay Xilli ay Magaalada Boosaso ka dhaceen Rabshado Amniga lid ku ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Culuma Udiin Salaadiin Aqoonyahanno iyo Ganacsato.

Sh. Maxamed Macalin oo ka hadlayey ‘Ahmiyada Amniga iyo Wadajirka Ummada’ aya ku dheeraday  Ahmiyada Amniga Ummadda u leeyahay  loona baahanyahay in nimcadaas amniga laga shukri naqo lana adkaysto. Sheekh Maxamed oo  Hadalkiisa sii wata ayaa  Waxa uu carabka ku adkeeyey  Ahmiyadda Wadajirka Ummada Islaamka gaar ahaan Ummadda soomaaliyeed  .

Intas ka dib ayaa Sh. Cabdirahman Bukhaari soo jeediyey Muxaadaro ku saabsan Qabyaalada iyo dhibaatadeeda  ay Umadda Soomaliyeed ku hayso Iyo wax Shareecada Islaamka ay ka qabto.  Sh. Axmed Dahir oo Kalmad aad  u dheer oo Dhinacyo badan Taabanaysa ka soo jeediyey Nadwad ayaa ka Hadlay Nimcooyinka Allah uu Siiyey Reer Boosaso iyo sida Loogu baahan yahay in Lagu shukriyo lagana shaqeeyo adkaynta Amniga .

Maxamuud Faarax oo ka mid ah Ganacsatada Reer Puntlandi aya Ka hadlay Xiriirka u Dhexaya Amniga Iyo Ganacsiga Waxa uuna Sheegay in haddii la waayo Amni uusan Jiraynin Ganacsi iyo Hormar. General Cali Ismacil oo ka mid ahaa aqoonyahankii goobta ka hadlay ayaa ku dheeraday Ahmiyada Amnigu uu uleeyahay Nolosha Aadama ,isagoo dhanka kalena tilmaamay dhibaatada iyo fowdada iyo rabshooyinka ku keenaad Bulshada iyo Dowladaha.

Gabagabadii nadwada ayaa waxaa soo xiray  Suldaan Bashiir Muuse oo ku hadlayey Afka Issimada Reer Puntlandi ayaa Asna Kelmadiisa kaga hadlay Amniga iyo Ahmiyadiisa. Waxa uuna Baaq u direy Ummada Soomaliyeed in la iska kaashado Amniga Lagana soo Horjeensado Qof walba oo shar wade ah.

 

Xafiiska warbaahinta
Mu’asasada Alminhaaj Bari.

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online