Natiijadii ka soo baxday baaritaan lagu sameeyey Qaraxii diyaaradda Daallo.[Video]

February 6, 2016 - Written by Editor

somalia-logoMuqdisho:-Baaritaano lagu sameeyey diyaaradii Daallo Airlines AIRBUS 321 flight nambarkeeduna ahaa 3159 una socotay Djibouti, ayna saarnaayeen 74 qof oo rakaab ah iyo 7 shaqaale ah, ayaa 20 daqiiqo oo ay hawada ku jirtay kadib si deg deg ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cabdulle kadib markii uu ka dhex dhacay Qarax.

Baaritaano dheeraad ah oo ay sameeyeen khubaro Soomaali iyo kuwo caalami ah, waxay xaqiijinayaan in Qaraxii ka dhex dhacay diyaaradii Daallo Airlines uusan aheyn mid ka dhashay cilad farsamo, ee uu ahaa mid loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa.

Ciidamada Amniga waxay gacanta ku dhigeen dadkii lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay gudaha diyaaraddaasi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socodsiineysaa dadweynaha ka dhoofa, kana soo dega garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle lagu soo kordhin doono tallaabooyin cusub oo lagu adkeynayo amniga. Waxaana laga codsanayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka ee u heelan sugida amnigooda.

Hoos ka Daawo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in diyaarada Daalo loo adeegsaday Waxyaabaha Qarxa

——DHAMMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online