Prof. Juurille: “Ma Xaq bey ahayd nin bulshada wax ku soo kordhinayey ineynu dilno” [Daawo]

February 3, 2016 - Written by Editor

juurileBoosaaso:-Xildhibaan Prof Cabdirisaaq Juurile oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadlaya dilka ganacsade AUN Xirsi Aduunyo. Mudane Cabdirisaaq Juurile ayaa ka hadlay dilkii xalay loogu geystay magaalada Boosaaso ganacsade Xirsi Aduunyo kaasoo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay Puntland. Nin ganacsade ah oo wax badan ku kordhinayey bulshada ma xaq bey ahayd inaynu xalay dilno Yey tahay mas’uuliyadeeda inay ilaaliso ma Wasiirada ,ma aniga ma dhalinyarada ma inagoo dhan ba “”ayuu yiri Juurile.

Waxaa kale oo sheegay in fariinta uu dirayo ku socoto shacabka reer Puntland oo dhan ,isagoona sheegay in loo baahan yahay in caqligu shaqeeyo. Wakhtigan lagu jiro ayuu sheegay in Puntland diiday arrin Soomaali oo dhan lagu jihayno taasoo aanba waxba tarayn sida uu sheegay haddii la dilayo hal-doorkii bulshada.

Marka inta aad soo baxdo magaaladii dab gelinayso ,marka intaad soo baxdo nin hal-doorkaagii aad gurigiisii intaad ugu tagto ku dileyso yey tahay iney ka hadlaan ma Booliska ma Ciidankeynu u dirnay baa mase waa xil muwaadin kasta”””ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdirisaaq Juurile ayaa hadalkiisu kusoo beegmayaa xili xalay gudaha magaalada Boosaaso kooxo hubeysan ku dileen ganacsade Xirsi Aduunyo oo si weyn looga yaqaanay Puntland.

Hoos ka Daawo khudbadii Prof Cabdirisaaq Juurile uu uga hadlay dhibkii ka dhacay Boosaasso

Xigasho: SAHAN ONLINE

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online