Ra’iisul wasaaraha DFS oo la kulmay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta.[Masawiro]

February 10, 2016 - Written by Editor

unnamed-1-5Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Maxamed Cali “ Kediye”, ayaa gelinkii dambe la kulmay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayo Danjire Zaid Al Sabban Madaxa Isutaga Wadamada Arabta ee Afrika ahna Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Isutaga Wadamada Arabta, waxana ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo taageerada ay Jaamacadda Carabtu siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Muqdisho ay soo booqdaan wafdigan ka socda jaamacadda Carabta, waxaana si gaar ah uga mahad celiyey Jaamacadda Carabta taageerada ay mar walba Soomaaliya la garab taagan tahay, isagoo intaa ku darey in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga labada dhinac ka dhexeeya.

“Kulankeenna wuxuu qayb ka ahaa wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo dawladaha Carabta, waxaan iska wareysanay xaaladdo badan inagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo kamid yihiin doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona sanadkan 2016 iyo doorkooda ku aadan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen” ayuu yiri R.Wasaare Cumar.

Wafdiga Jaamacadda Carabta ee Hoggaaminayey Danjire Zaid Al Sabban ayaa iyaguna sheegay in Jaamacadda Carabta ay kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016, oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online