Sh Daahir Aw-Cabdi ”Kuwii dilay Ganacsade Xirsi Aadan waxay cadaw u yihiin horumarka iyo Midnimada reer Boosaaso.[Dhagayso]

February 3, 2016 - Written by Editor

shdaahirBoosaaso:-Waxaa saaka lagu aasay Qabuuraha magaalada Boosaaso allaha u naxariistee Ganacsade Xirsi Aadan Galaf (adduunyo ) oo xalay 4 dhalinyaro ah oo hubaysan ay u fileen duleedka Boosaaso ee Gobolka Bari. Aaska Ganacsade Xirsi Aadan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Puntland, Ganacsato, Odayaal dhaqan, Culimo’udiin iyo qaybaha kale ee bulshada Boosaaso oo iyagu aad uga xumaaday falka foosha xun ee a dhacay xalay Boosaso.

Shiikh Daahir Aw Cabdi oo ka mud ah Culimada sida wayn looga qadariyo soomaaliya kuna nool magaalada Boosaaso ayaa aad uga hadlay dilka loo geystay ganacsade Xirsi Aadan isagoo sheegay in dadka dilay Xirsi ay yihiin cadawga Boosaaso aya ka soo horjeedaan horumarka magaalada iyo wada jirka bulshada
Shiikh Daahir Aw Cabdi ayaa xusay in amaanka in laga shaqeeyo ay tahay diin aan loona baaahan yahay in cid walba oo amaan daro abuurayso loo baahan yahay in si wada jir ah looga hortago isagoo ka digay in dada haldoorka ah oo dalka gaarsinaya horumar la laayo.

Shiikh Daahir Aw Cabdi aya sideoo kale sheegay in maamulka ka jira Boosaaso loo baahan yahay in looga danbeeyeyo talada wixii khalad oo ay galaan waan in  looga naseexeeyaa ee laama baahna in fawdo lagu kiciyo oo dalka la geliyo amaan daro, Sh Daahir Aw-Cabdi waxaa uu bogaadiyey beesha uu ka dhashay ganacsadaha la dilay oo iyagu xakameeyey in wax aano qabiil ah ay dhacaan wuxuuna u booriyey in umada ay isla raadshaan oo laga shaqeeyo wada jirka.

Dhinac kale Shiikh Maxamed Macalin Axmed oo ka mid ah culimada ayaa isagan sheegay in oo baahan yahay in cadawga reer Boosaso si wada jir ah looga hortago cadawgaas oo jecel in Boosaso burburto oo lagu kala tago taasna mid aan yeelayno ma ah dalka taladiisa inagaa iska leh mana aqbali doono arrinkaas.

Shiikh Maxamed Macalin Axmed ayaa ku celceliyey in shaqsyaadka dilka u geystay Ganacsade Xirsi Aadan ay falkaas iyaga ku kooban tahay loona baahan yahay in aan lagu dagmin falalka cadawga ay maleegayaan oo ah in umada la iska horkeeno oo haldoorka ay iska laayaan.

Dhegayso Khudbadaha Culimada oo uu ku hormarayo Shiikh Daahir Aw Cabdi

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Culimada-oo-Aaska-ka-hadlaya.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online