Siyaasi Dr.Cali Xaaji Warsame oo ka waramay wax ay kala hadleen Wafdigii beesha caalamka.[Dhagayso]

February 12, 2016 - Written by Editor

Cali_xaji-warsameGaroowe:-Siyaasiga reer Puntland, Dr.Cali Xaaji Warsame, oo u warramay Golaha88 ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen ergo ka socotay beesha caalamka oo uu hogaaminayay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating, in ay si cad ugu sheegeen in shacabka reer Puntland aanay oggolayn hannaanka 4.5 ee awoodqeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Cali Xaaji Warsame oo ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland ayaa sheegay in shacabka reer Puntland ay maanta markii ugu horreysay ay yihiin “isku calool”, maamulka madaxweyne Gaas-na uu haysto shacab iyo siyaasiyiin hore oo ku taageersan go’aanka diidmada 4.5.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Gaas uu haysto fursad weyn oo uu ku socodsiin karo diidmada go’aankan 4.5 ee beesha caalamku sheegeen inay 100% ay doonayaan inay iibiyaan.

“Beesha Caalamku waa in ay dhageysataa shacabka, ayna la yimaadaan wax u cuntami kara ummada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame oo intaa raaciyay “Haddii ay beesha caalmku ku adkeysato go’aanka dowladda federaalka in Puntland ay u furan tahay qodobka afaraad ee dastuurka Puntland ee dhigaya in aayaheeda ay ka tashato.”

Waxa uu sheegay in Beesha Caalamku ay qirteen inay ku deg degeen taageerida go’aankii dowladda, isla markaana ay kala tegi doonaan Puntland dareen ka duwan kii ay markii hore ku yimaadeen.

Cali Xaaji Warsame ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamku inay saxdo qaladaadkeeda, isla markaana aanay noqon Beesha Lixaad, sida uu ku macneeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Hoos ka Dhagayso Cali Xaaji Warsame oo ka Hadlay Kulankii ay la Qaateen Beesha Caalamka

Source:Golaha88

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online