Siyaasiyiin ay kala hogaaminayaan Dr Cali Xaaji iyo Faroole oo la kulmay Michael Keating.[Dhagayso]

February 10, 2016 - Written by Editor

largeGaroowe:-Siyaasiyiin uu hogaaminayey Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa ay xarunta PDRC kulan kula qaateen wafdigii beesha caalamka ee uu hogaaminayo Michael Keating. Kulanka oo socday mudo saacad ah ayaa waxaa dood badan ka dib ay siyaasiyiintii uu hogaaminayey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Farole ay wafdiga beesha caalamka u gudbiyeen qoraalo iyo heshiiyadii ay dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Puntand ay wada gaareen oo wax ka fulay aysan jirin.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Faroole oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanku uu ahaa dood iyo wax laga yeelayo qaabka doorashada yo go’aankiii ka soo baxay shirii wada tashiga ee Muqdisho ee lagu go’aaminayo 4.5 arrinkaas oo uu xusay in qoraal u gudbiyeen fikrigida oo ah in aysan aqbalayn nidaamka 4.5 in dib loogu noqdo howsha in laga gudbo 4.5 ay ka gaabiyeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya loona baahan yahay in beesha caalamku la xisaabtanto.

Hoos ka Dhagayso Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo la hadlay saxaafadda

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Farole-saxaa-.mp3]

Halkaan ka Dhagayo MP3

Dhinac kale Team kale oo siyaasiyiin ah oo uu hogaaminayey wasiirkii hore ee waxbarshaada dowladda Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame oo ka qayb galay kulanka ayaa waxaa uu sheegey inay diideen codsigii Michael Keating ayna u sheegeen in dowlada Federaalka Soomaaliya ay fashilantay ayna ogalayn in ay qaateen 4.5 doorashada lagu galo
Waxbarshaada dowladda Puntland Dr.Cali Xaaji ayaa xusay in ay si cad ugu sheegeen beesha caalamka ay eeda leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan waxba ka fulin hishiiyadii dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Hoos ka Dhagayso Wasiirkii hore ee waxbarshaada dowladda Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame oo la hadlay saxaafadda

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Dr-Cali-Xaaji-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online