Wafdi ka socda Beesha caalamka oo maalinta beri ah soo gaari doona Garoowe.[Dhagayso]

February 8, 2016 - Written by Editor

GarooweGaroowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa sheegaya in maalinta birito ah ay soo gaari doonaan magaalada Garoowe wafdi ka socda beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Wakiilka xog haya ha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Micheal Keating.

Warar hoose oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in wafdiga ka socda Beesha caalamka ay kala hadli doona madaxda Puntland hanaanka doorashada dalka Soomaaliya 2016 iyo shirkii madasha wadatshiga ee lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay Puntland qaadacday.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo wadatshi ah la lahaa qeybaha kala duwan ee Puntland gaar ahaan golasha xukuumada, golaha baarlamaanka , Issimada, bulshada rayidka iyo saraakiisha ciidanka waxaana jira mowqif ay ku midoobee dhamaantood waloow aan la shaacin.

Wafdiga ka socda Beeesha Caalamka ayaa waxaa la filayaa birito ay yimaadaan magaalada Garoowe waxaana la adkeeyey amaanka magaalada Garoowe iyada oo lagu arkayo xarumaha dowlada iyo garoonka ciidamo sugaya amaanka guud ee Garoowe.

Wafdiga Beesha Caalamka ayaa waxaa la kulmi doona:-

1-Guddi labada gole ee dowladda Puntland.

2-Gudiga dhaqan Issimada.

3-Gudiga Civil Society.

4-Gudiga Siyaasiyiin ay kala hogaamin doonaan Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Faroole iyo wasiirkii hore ee waxbarshada  dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame.

Wafdiga Beesha Caalamka ayaa waxaa hogaaminaya Micheal Keating waxaana socdaalkiisa ku wehelin doona  Safiirada EU, IGAD,UK, Holland, Ethiopia, Italy iyo Safiirka Mareykanka.

Kulamada dhexmari doona wafdiga Beesha Caalamka ayaa u jeedkiisu yahay in madaxada dowladda Puntland lagu qanciyo go,aamadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga ee lagu qabtay Muqdisho taas oo wararka aan helayno ay saadaalinayaan in aan wax natiijo ah ka soo bixi doonin.

Wafdiga beri soo gaaraya magaalada Garoowe qayb kama ah Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo socdaal uu ku imaan lahaa Boosaaso Maalmo ka hor ay ka caga jiideen Madaxda Dowladda Puntland taasna ay sababtay in uu ka baaqsado safarkii uu ku imaan lahaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wasiirkii hore ee wasaaradda haweenka dowladda Puntland Caasho Geele Diiriye oo kamid ahayd wafdigii bulshada rayidka ka socday ee ka qayb-galay shirarkii madasha wadatashiga doorashada Soomaaliya ee lagu qabtay muqdisho aya Radio Daljir waxaa ay uga warantay wafdiga beri laga sugayo Garoowe iyo waxyaabaha laga wada hadli doono.

Hoos ka Dhagayso Wasiiradii hore ee wasaaradda haweenka dowladda Puntland Caasho Geele Diiriye

[audio: http://www.radiodaljir.com//resources2/files/Codkii%20Caasho%20Geelle.MP3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online