Wafdigii beesha caalamka oo saaka dib ugu laabanaya magaalada Muqdisho

February 11, 2016 - Written by Editor

IMG_9511Garoowe:-Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Garoowe ka dhoofi doona wafdigi beesha caalamka ee uu hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating ka dib markii labadii maalmood ee u danbaysay ay kulamo gaar gaar ah la qaateen 3 gole ee dowladda Puntland, Issimada , Siyaasiyiinta iyo ururada bulshada rayidka ah.

Shirarka gooni goonida ah ee ay wafdigi beesha caalamka ee uu hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating la qaateen qaybaha kale duwan ee Puntand ayaan wax is afgarad ah laga gaarin waxaan kulamadu ay ku soo idlaadeen natiijo la’aan.

Wafdigi beesha caalamka ee uu hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa mar dhow ka dhoofi doona magaalada Garoowe waxaan uu wada tashi ugu noqon doonaa madax dowlada Federaalka Soomaaliya bal wax laga bedeli karo go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ka gaartay doorashada 2016 ee ah in nidaamka 4.5 dib loogu soo xulo golaha Baarlamaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigi beesha caalamka ee uu hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa kulamada uu la qaatay Madaxda Puntland waxaa uu ku amaanay amniga iyo isku duubnida dowladda iyo shacabka Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online