Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliy oo tegay degmada Hobyo

February 8, 2016 - Written by Editor

odwaaMuqdisho:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka safar aan horay loo shaacin ku tegay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa ku soo dhaweeyey degmada Hobyo madaxweynaha Gal-Mudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Gal-Mudug.

Socdaalka wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ku soo beegmay xli maalin ka hor uu gaaray degmada Hobyo Madaxweynaha Gal-mudug isagoo sheegay in maamul loo samaynayo degmada Hobyo si loo sugo amaanka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay wada xaajod galaan Gal-Mudug iyo maamulka Gobolladda dhexe ee xaruntiisu tahay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha Allaahu

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online