Xaflad loo qabtay Arday dhamaysay Hikaada Schoolka Daaru Hidaaya ee magaalada Garowe.[Masawiro]

February 5, 2016 - Written by Editor

22Garoowe:-Xafladdan oo ay ardaydiisa uu u qabtay Schoolka Hoose Dhexe Iyo Xifdinta Qur’aanka ee Daaru Al-Hidaaya ee Garoowe ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Puntland  ka dhacda  islamrkaana la siiyo abaalmarin iyo Shahaadooyin arday dhamaysay  Hikaada oo gaaray in ay wax qoraan islamarkaana wax akhriyaan Macalim La’aan .

Xafladaan oo ahayd mid uu soo agaasimay Maamulka Schoolka Hoose Dhexe ee Daaru Hidaaya ayaa waxaa ka soo qayb galay Madax sare oo kasocotay Labada Wasaaradood ee Waxbarashada Iyo Cadaaladda , Gudoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj, Waaridiin Iyo Marti sharaf kale oo badan  waxaana ugu horaynba ka war bixiyay Xafladda Iyo Heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Al-Hidaaya ka warbixiyay Maamulaha Schoolka Al-Hidaaya Jaamac Xassan Xuseen  waxaana uu xusay in mudadii uu jiray Al-Hidaaya uu ku tilaabsaday guulo wax ku ool ah .

Waxaana maantay shahaadooyin lagu doon siiyay arday ku guulaysatay in ay macalim la’aan wax qoraan islamarkaana wax akhriyaan ardaydaas oo gaaraysa 55 arday  waxaana mudadii koobnayd ee uu jiray Al-Hidaaya Qur’aanka xifdiyay Arday badan oo iyagana mardhow la siin doono Shahaado. Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal ayaa isna goobta kahadlay ayaa qiray guulaha  bulshada wax ku oolka u ah ee uu gaaray Al-Hidaaya waxaana uu balan qaaday in ka Mu’asasa Ahaan ay garab taagan yihiin Schoolka Al-Hidaaya .

Gudoomiye Ku xigeenka Gudoonka waxbarashada Gobolka Nugaal Mudane Cumar Guureeye ayaa isna dhankiisa amaanay kaalinta uu buuxiyay Schoolka Al-Hidaaya isla markaana waxaa uu amaanay goobta uu ku yaal oo ah meel ku haboon iyo xaafad baahi weyn u qabtay waxbarashada waxaana uu dhankiisa balan qaaday in uu ka caawin doonaan wixii qalab wax barasho ah oo ay u baahdaan.

Waxaa halkaas ardaydii dhamaystay Barashada Hikaada lagu Gudoon siiyay Shahaadooyin ay iska kaashadeen Schoolka Al-Hidaaya iyo Wasaarada Cadaalada Diinta iyo Dhaqan celinta  waxaana Xaflada soo xiray Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta Sh.Xuseen Maxamed Cismaan isagoo si gaar ah ardayday ugu doon siiyay abaal marimo qaali ah oo uu ka mid ahaa Kitaabka Sharafta Mudan ee Qur’aanka Kariimka.

Nuur Jaamac Aadam
Garowe,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online