Guddoomiyaha Jaamacadda Al-Najaax oo Heshiisyo taariikhiya la soo gashay Jaamacadaha dalka Sudan(Masawiro)

March 12, 2016 - Written by Editor

1Sudan:-Guddoomiyaha Jaamacadda Al-Najaax Sheekh Dr Faysal Maxamad Cali ayaa Heshiisyo taariikhi ah Muhiimna ah waxaa uu la soo galay  Jaamacadaha ugu waaweyn dalka Sudan taas oo ah guul weyn oo u soo hoyatay Jamaacada Najaax iyo dhamaan Maamulka iyo adayda dhigata.
Guddoomiyaha Jaamacadda Al-Najaax Dr Faysal Maxamad Cali ayaa socdaal shaqo ku joogay dalka Sudan mudo dhan 10 cisho wuxuuna heshiisyo la soo galay jaamacadaha kala ah .
1- Jaamacadda Afriiqiya Al-Caalamiya
2 Jaamacadda Ummu Darmaan
3-Jaamacadda Al-qur’aan Al-Kariim
4-  Jaamacadda Al-Niilayn
Heshiisyada ay Jaamacada Najaax la soo gashay Jaamacadaha dalka Sudan waxaa ugu muhiimsan
1- Is waydaarsiga wixii khibrad ah.
2- Is waydaarsiga Macallimiita.
3-  Tababarista iyo Hore u marinta bahda Jaamacadda Al-najaax.
4- Ka qayb-galsiinta Jaamcadda kullaannada Caalamiga ah.
5-  U gaar yeelidda Jaa,macadda qayb ka mid ah Deeqaha wax-barasho.

Guddoomiyaha Jaamacadda Al-Najaax Sheekh Dr Faysal Maxamad Cali  ayaa waxaa intii uu joogay waxaa uu booqday maraakista  ay ka mid yihiin markaska Al-Khaliifa Ee Afka Carabiga, iyo  Maamulka ka warhaynta Ardayda Martida ah.
Guddoomiyaha Jaamacadda Al-Najaax Sheekh Dr Faysal Maxamad Cali  ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmay qaar ka mid ah culumada dalka Sudan gaar ahaan Dr: Cabdi Xayii Yuusuf.

Guddoomiyaha Jaamacadda Al-Najaax Sheekh Dr Faysal Maxamad Cali  ayaa waxaa intuu joogay uu muxaadaro u jeediyey jaaliyada Soomaaliyeed iyo ardayada dalka Sudan waxaana loogu soo dhaweeyey si weyn.

Jaamacada Najaax ayaa ku talaabsatay sanadkan guulo is daba joog ah waxaana ay heshiisyo kala duwan la gashay Jaamacado ku kala yaal dalalka Sudan iyo Malesia.

Jaamacada Najaax
Burco

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online