Dagaal duleedka Daynuunay ku dhexmary ciidanka DFS iyo Al-shabaab

April 26, 2016 - Written by Editor

baydhaboBaydhabo:-Iska horimaad xooggan oo hubaysan ayaa maanta waxaa uu ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Dowladd Federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab duleedka Daynuunaay oo 18 Km dhinaca bari ka xigta magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay. Dagaalka ayaa dhacay ka dib markii ciidamo ka baxay magaalada Baydhabo kuna socday Daynuunay ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab waxaan halkaas ka dhacay iska horimaad xooggan oo lagu dilay ilaa 8 askari oo ka tirsan ciidanka DFS halka dhaawac uu soo gaaray 9 askari oo kale.

Sarkaal u hadlay ciidanka Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in ay ogaadeen in ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay duulaan ku soo yihiin fariisamahooda ka dibna ay ciidamadood bilaabeen in ay ka hortagaan weerarka kaga imaanaya Al-shabaab.

Dhinac kale Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed Xassan Cabdi Maxamed ayaa VOA u sheegay inay aamisan yihiin in weerarka Al-shabaab uu daba socday weeraro iyo howl galo ay ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen agagaar ka degmada Buurhakaba laguna dilay ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online