Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulamo la qaatay Maal-qabeeno Sucuudiyaan ah.[Masawiro]

April 27, 2016 - Written by Editor

6bb338ae-1220-46c6-bae1-7f4cbe5fe370Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ayaa  kulamo kala duwan la qaatay  maal-qabeeno kasoo jeeda qoyska boqortooyada dalka Sucuudi Carabiya. Maal-qabeenadaasi  kasoo jeeda qoyska Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa kamid ah Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud iyo Waliid bin Dalaal bin Cabdicasiis Aala Sucuud oo ah maal-qabeeno si weyn looga yaqaano caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  ayaa kala hadlay maalqabeenadaasi in ay  maal-gashadaan Puntland isla markaana ay Dawladda Puntland kala shaqeeyaan dardar gelinta mashaariicaha horumarineed ee ay ku hawllan  tahay  iyo keenitaanka mashaariic horle oo dalka laga hirgeliyo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu uga warbixiyey maal-qabeenadaasi  nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland iyo fursadaha maal-gashi ee ka bannaan  oo ay si fudud uga faa’iidaysan karaan maalqabeenadaasi maadaama dawladda Puntland iyo dawladda sucuudigu ay leeyihiin xiriir  ganacsi taariikhi ah, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu ku marti-qaaday maal-qabeenadaasi in ay Puntland yimaadaan.

Dhinaca kale maal-qabeenada boqortooyada dalka sucuudiga ayaa tilmaamay muhiimadda Puntland ay u leedahay  xilligan inay ganacsiyo ama maalgashiyo ka samaystaan, isla markaana ay dawladda ka caawiyaan dhismaha warshado wax soo saar oo dalka laga hirgeliyo,dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, samaynta ceelal biyoodyo iyo in ay ka qayb qaataan dar-dargelinta dhoofka xoolaha ee u dhexeeya Puntland iyo sucuudiga, iyagoona ugu dambayntii ballan qaaday in ay Puntland booqasho ku imaan doonaan iyagoo ka jawaabayaa marti-qaadkii uu u sameeyey Madaxweynuhu.

DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online