Nadwo cilmiyeedkii 14-aad oo ka bilaabtay caawa Masjidka Al-rowda ee magaalada Boosaaso.[Video/Masawiro]

April 14, 2016 - Written by Editor

DSC_1491-300x200Boosaaso:-Waxaa caawa oo jimco ah ka bilaabatay magaalada boosaso ee xarunta gobolka bari gaar ahaan masjidka alrowda  nadwadii sanadlaha ahayd taasoo sanad walba la qaban jiray xilligan oo kale, nadwadan ayaa noqonaysa midi afar iyo tobnaad. Nadwadan ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo waaweyn oo laga yaqaan gayiga soomaalida oo ay ka mid ahaayeen Sh. Abdinaasir Xaaji Axmed, Sh/ Maxamud Xaaji Yusuf, Sheekh Daahir Aw Cabdi, Sheekh Max’ed Macallin Axmed ,Sheekh Xassan Xuseen iyo Sheekh  Maxamud Xaliiko.

Nadwadan oo ahayd mid laga socday gudaha dalka intiisa badan iyo meel badan oo caalamka ka mid ah ayaa cinwaanka sanadkan loogu magac daray waxaa uu ahaa: “Umaddu waxay u dhexeysaa dhibaatooyin ka haysta dhinaca akhlaaqda iyo kala taga dhexdooda ah”.

Qaybta hore ee nadwada ayaa caawa ku saabsanayd furitaanka nadwada iyo soo dhawaynta culimada waxaan ka hadlay furtiaankii nadwada Sheekh Xassan Xuseen  waxana uu dadka ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan culimada soona camiraan masjidka,sidoo kale waxaa isaguna kalmad soo jeediyay Sh.Daahir ow cabdi oo sheegay inay nadwadani tahay faa’iido weyn uleedahay bulshada laguna daweeyo sanad walba dhibaato markaa taagan, sheekhu waxa uu sheegay in sanadkii hore laga hadlay dhibaatada shiicada wixii culimadu ka hadlay sayna la arkay, sheekhu waxa uu intaas ku daray in ay jiraan dhibaatooyin badan oo umadda haysta una baahan in la daaweeyo waxana ka mid ah in umadda la isku keeno, sheekhu waxa uu uduceeyay culimada waqtigooda qaaliga ku soo bixisay inay umadda u faa’iideeyaan dadkana waxa uu ugu baaqay inay masjidka soo camiraan,kana faa,iidaystaan culimada.

Waxaa kalmadii ugu dambaysay ee furitaanka qaatay Beeldaaje Cali Faarax oo ka mid ah issimada gobolka bari ,beeldaajuhu waxa uu u mahad celiyay culimada,waxana uu sheegay inay culimadu mar walba umada u soo bandhigaan kana daweeyaan mowduuc munaasaba oo markaas taagan ,waxana uu sheegay in umaddu u baahan tahay in laga daweeyo dhanka Akhlaaqda, sidda qaadka, culimadana waxa uu uga mahad celiyay dadaalkooda waxaana uu alle uga baryay inuu kabaal siiyo camalkooda.

Hoos ka Dhagayso Furitaanka Nadwo cilimiyeedkii 14-aad oo xalay ka bilaabtay masjidka Al-rowda ee Boosaaso

[audio: http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2016/04/Dhagayso-Furitanka-Nadwadii14-aad-Ee-Bosaso-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Intaas ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay Sheekh maxamud xaaji yuusuf oo galay muxaadaradii ugu horraysay oo cinwaankeedu ahaa “Akhlaaqda wanaagsan “
Sheekhu waxa uu si xeel dheer uga hadlay akhlaaq wanaagsan iyo faa’iidooyinka laga helayo isagoo hadalkiisa gundhig uga dhigay hadalkii Nebiga SCW ee macnihiisu ahaa “waxaa la iisoo saaray inaan dhammaystiro akhlaaqda teeda wanaagsan”.

Sheekhu waxa uu umadda ku booriyay inay ka dheeraadaan akhlaaqda teeda xun sidda xanta, cayda ,jaasuusnimada, dulmiga, tuugnimada iwm, sidoo kale sheekhu waxa uu ugu baaqay inay dadku ka caado yeeshaan akhlaaqda wanaagsan isagoo sheegay in qofka akhlaaqda wanaagsani uu ku kasban karo iimaankiisa oo xoog bata.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Akhlaaqda Sh Maxamed Xaaji Yuusuf

[audio:http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Dhagayso%20Furitanka%20Nadwadii14-aad%20%20Ee%20Bosaso%20Qaybtii%20Sh%20Maxamuud%20%20.MP3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Sheekhu waxa uu sheegay inay jiraan waxyaalo badan oo uu qofku ku kasban karo akhlaaqda wanagsan waxana ka mida caqiidada wanaagsan, halka haddii qofka caqiidadiisu inxiraaf ku dhaco ay akhlaaqdiisu hallaabayso, sidoo kale sheekhu waxa uu ku daray in lagu kasbado akhlaaqda wanaagsan ducadda iyo in qofku Alle waydiisto inuu akhlaaqdiisa wanaajiyo, sidoo kale inuu qofku nafta ku dadaalo,hammigiisana uu kor u qaado.

Sheekhu waxa uu tilmaamay qaar ka mid ah akhlaaqda wanaagsan sida: sabirka, dhowrsanida caddaaladda iwm. Sheekhu waxaa uu intaa ku daray haddii umaddu akhlaaqdeedu wanaagsantahay inay aakhiro iyo aduunba hor marayso sidoo kale haddii bulshada akhlaaqdeedu hagaagto waxaa ay noqonaysaa bulsho isku xiran oo is raacsan. Ugu dambayn sheekhu waxa uu umadda somaliyeed iyo muslimiinta oo dhan alle u waydiiyay inuu kalmadooda mideeyo.

Hoos ka Daawo Furitaanka Nadwo cilimiyeedkii 14-aad Oo xalay ka bilaabtay masjidka Al-rowda ee Boosaaso

Hoos ka Daawo Muxaadaradii Akhlaaqda ee uu jeediyey Sh Maxamed Xaaji Yuusuf

Nuur Jaamac Aadam
Xafiiska warwaafinta
Alminhaaj, Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online