Nadwo diini ah oo Culimadu ku bayaaniyeen Manhajka saxda ah oo lagu qabtay Masjid Al-hudaa ee Garoowe.[Cod/Masawiro]

April 7, 2016 - Written by Editor

IMG_3180-300x225Garoowe:-Culimad Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa xalay oo bishu ahayd 7/04/2016 waxay nadwo diini ah oo qimo gal ah ku qabteen Masjidka Al-huda ee magaalada Garowe waxaana Halkudhegu Ahaa [Bayaaninta xaaladaha taagan ee ku salaysan Manhajka] waxaana ugu horayntiiba lagu soo dhaweeyay fadiilatu Sh.Abdi Naasir Xaaji Axmed waxaana sheekhu aad ugu dheeraaday in uu cadeeyo Manhajka saxda ah ee Ahlu Sunah Wal Jamaac isaga oo qiray in maantay ay jirto duulaanno badan oo lagu soo qaaday Umadda Islaamka.

Waxaana sheekhu cod dheer ku sheegay In maantay umadda Soomaaliyeed ay kujirto halis badan ayna ugu Khatarsan tahay tan Umadda diinteeda Iyo dalkeeda oo looga qixinayo ee ku salaysan Shaati been ah oo loogu soo gabanayo diinta Islaamka. Waxaa kale oo kulankaan diiniga ka qayb galay culimada kala ah:-

1. Sh Yuusuf Cabdi Casiis.

2. Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf.

3.Sh Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed.

Waxaana Culimadu Bayaanisay Baahida Loo qabo In umadda loo turo Islamarkaana la Ilaasho Midnimadeeda iyo wadajirkeeda guud .Waxaana ugu Danbayntii Culimada la weydiiyay Su’aalo Badan oo kusaabsan Sheegashada ururka Alshabaab ee ah In ay Puntland weerarka Ugu soo qaadeen in ay ka hirgaliyaan Shareecada Islaamka iyo Su’aalo kale oo Muhiim ah.

Hoos ka Dhagayso Nadwadii diiniga ahayd ee xalay ka dhacday Masjidka Al-hudaa ee Garoowe

[audio:http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2016/04/Codka-Culimada-Nadwada-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3
Hoos ka Dhagayso su’aalhii culimada la wiidiiyey Nadwad xalay ka dhacday Masjidka Al-hudaa ee Garoowe oo ay ka jawaabeen

[audio: http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2016/04/Sualaha-Sadweynaha-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahinta
Al-Minhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online