Warbixin Shirka Midowga Maraakista Ee dalka Denmark MMSD (Masawiro-Video)

April 28, 2016 - Written by Editor

IMG-20160429-WA0007Odense:-Waxaa Magaalada Odense Caasimada 3aad ee Wadan Danmark  ka dhacay Taariikhdu Markay ahayd 23-04-2016 Shirweyne  ay isigu yimaadeen 9 Markaz oo ka mid ah Maraakista ka dhisan wadanka Danmark.Shirkaana waxaa uu dhameystir u ahaa Shirkii ka dhacay magaala madaxada 2aad ee Wadanka Danmark ee Aarhus kaas oo looga hadlay siddii loo midayn lahaa Maraakista wadanka Denmark gaar ahaan kuwa jaaliyada Soomaaliyeed .

Hadaba Shirkaan Waxaa looga hadalay ansixida Xeer Hoosaadkii ay Maraakista ku midoobeen  iyo Sidii loo dhisi lahaa Maamul lagu Midansan yahay, Waxaana Shirkii lagu Ansixiyay Xeer hoosaadkii waxaana lagu doortay Maamul ka kooban 9 Ruux.

Waxaa Shirka Ka soo Qayb’galay kalmadana Ka Jeediyay culumada kala ah.
1-Sheekh Abdirahman Abyad
2-Sheekh Maxamuud Abu Dhalxa
3-Sheekh Cabdala Xambali
4-Sheekh Abdihakiim Eesh

Shirka Waxa uu ku Dhamaaday Jawi Farx leh iyo in laga Shaqeeyo Sidii Maraakista kale ay ugu soo biiri lahaayeen Midowga Maraakista Ee dalka Denmark MMSD.

Waxaa Shirka laga soo saaray Bayaan kaas oo uu akhriyey Sheekh Maxamuud Abu Dhalxa bayaankaas oo isigu jiray tacsi iyo talooyin ku socda madaxada iyo shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ,Waxaana  Maraakista kale lagu baaqay  in golahaan Midowga Maraakista ( MMSD) uu yahay gole u furan Markas walba ayna ugu baaqayaan in ay ka soo biiraan,

Dhinaca kale Dhamaan culumada iyo ducaadii ka soo qeyb gashay hirka Midowga Maraakista Ee dalka Denmark MMSD  ayaa waxay u mahad celiyeen uguna duceeyeen cid walba oo ka qayb qaatay gurmadkii Abaaraha ee loogu gurmaday gobalka Awdal oo ay ku dhufteen abaaro daran  waxay Ummada Somaaliyeed uga Tacsiyeeyen dhibaatadii ku dhacday dadkii ku le’day Bada u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga waxayna ehelkii iyo dadkii ay ka tageen u dardaarmeen Sabar iyo Alle ka cabsi.

Maraakista ka soo qeyb gashay kulanka lagu mideeyey Maraakista Denmark waxay kala Yihiin

1-Masjidka Al-Tawxiid   Copenhagen
2-Masjidka Al-Taqwa  Aahus
3-Masjidka Bilaal   Aarus
4-Masjidka Iqra   Odense
5-Masjidka Nyborg
6-Masjidka Quba  Viborg
7-Masjidka Olborg
8-Masjidka esbjerg
9-Masjidka Slagelgse.

Hoos ka Daawo Shirka Midowga Maraakista dalka Denmark iyo Bayaankii ka soo baxay

Halgan.net
Odense

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online