Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS Dr.Abdisalaan Omar Hadliye oo dhigiisa UAE la kulmey.[Masawiro]

April 28, 2016 - Written by Editor

Somalia-FM-26-April-2016-1-640x426Dr.Abdisalaan Omar  Hadliye Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiiri gelinta Maalgashiga ee  Jamhuuriyadda  Fedralka Soomaliya oo booqsho ku joogey Maalmahan  wadanka Isutagga imaaraadka carabta   Ayaa kulan la qaatey Dhigiisa  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga  ee Wadan Isutagga Imaaraadka Carab  H.H Sheikh Abadalla Bin Zayid Al Nahyan. intuu socdey kulankasi  labadda Wasiir ayaa waxay   kawada hadleen xaaladda  Siyaasadeed  ee Soomaaliya, hormarka ay sameeysey xukuumadda , xiriika walaaltinimo  ee soo jireenka ah  oo  ka dhaxeeya labadda dal  iyo weliba sidii looxoojinlahaa iskaashiga labadda dal.

Dhinacakale  kulunkan  oo  ka dhacay  Casimadda Wadanka  isutagga Imaaraadka Carabta ee magaalada Abu dhabi  gaar ahaan Xarunta dhaxe ee wasaaradda  Arimaha Dibadda Ayaa waxaa goob joo ka ahaa  Danjiraha   Jamhuuriyadda Fedralka Soomaliya  ee u fadhiya Imaaraadka  mudane  Abdulkadir Sheekhey Mohamed Al- Hatimi  oo runtii door muhiim ah ka qaatey sii loo sii xoojinlaa  xiriika  soo jireenka ee u dhaxeeya  labada dal .

Gaba gabadii  kulankaasi  wasiir Hadliye wuxuu   si aad ugu mahadceliyay  Shacabka iyo dawladda   Imaaraadka Carabta Mashaariicda ay ka fulinayaa Soomaliya  iyo Kaalmadda Bani aadanimo  ee  ay la garabtagnyihiin marwalabo walaalahooda  Shacabka iyo dawladdan  Soomaaliyeed gaar ahaan wuxuu mahad gaar ah u jeediyay   Madaxweynaha  Isutagga  Imaaraadka Carabta  H.H. Sheikh Khalifa Bin Zayid  AL Nahyan, Ku xigeenkiisa ah na  Ra’isulwasaaraha  dawladda Imaaraadka Carabta Islamarkaasina ah  xaakimka  Imaarada Dubai, iyo weliba Dhaxalsugaha  Imaaradda  Abu Dhabi ahna ku xigeenka Teliyaha ciidanka qalabka. Kulankaasi  wuxuuna ku dhamaadey  Jawi aad u heersareeya.

—-DHAMAAD——

Mohamed Sheikh Issak
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online