Zaylaci Academy oo qabanaya Dawro Macalimiin Danmark 2016 “Macalinka Guulaysta”

April 26, 2016 - Written by Editor

ogeysiis1Copenhagen:-As-salamu Calaykum waraxmatullahi wabarakatuh, Zaylaci Academy waxay u qabanqaabisay Macalimiinta dugsiyada ku yaala Wadanka Danmark Dawro la magac baxday ”Macalinka guulaysta”. Dawradu waxay dhacaysaa taariikhdu markay tahay 30.04.2016 – 01.05.2016, waxayna ka dhacaysaa Magaalada Aalborg. Hadafka Dawradu waa kobcinta aqoonta Macalimiinta dugsiyada Danmark, sidoo kale inay macalimiintu is fakar/ra’yi dhaafsadaan.Waxaa sidoo kale ka mid ah Hadafka dawrada qaybna ka ah waxyaalaha lagu qaadano:-

– Sidee Macalin wax tar leh lagu noqdaa?
– Maxaa laga rabaa macalinka wanaagsan?
– Furaha quluubta ardayda
– Xidhiidhka waalidka iyo macalinka
– Qaabka dugsiga, ma quraan kaliya mise?
– Tarbiyaynta ardayda

Koorsadan waxay Zaylaci Academy u abaabushay Macalimiinta Dagan Danmark, maadaama ay yihiin dugsiyadu meelaha ugu waxtarka badan bulshada soomaaliyeed ee dagan qurbaha. Dugsiyadu waa meelaha ilmaha soomaaliyeed laga dhiso xaga diintooda, laguna baro kalaamka Allah. Sidaa daraadeed waxaa shakki ku jirin in Macalimiinta koorsooyin loo qabto, wakhtiga la galiyana ay ka faa’idayaan bulshada soomaaliyeed.
Waxaa duruusta dawrada ka baxaya dhigaya Sheekh Dr. Cabdiwali oo ku nool wadanka Finland, Imaamna ka ah Masjid Al-huda.

Sidoo kale waxay macalimiintu Dawrada ku qaadan doonaan koorso ku saabsan Fiqhu Dacwa, waxaan dhigaya Sh.Mustafa Abu Rawdah.

Ka soo qaybgalayaasha dawradu waa Macalimiin ka socota magaalooyinka København, Aarhus, Odense, Aalborg, Esbjerg, Herning, Slagelse, waxayna Macalimiintu isugu jiraan Dumar iyo raggba.

Halkan ka Eeg Mareegta Zaylaci Academy

Zaylaci Academy
Kbh

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online