Heshiis la dhex-dhigay dhinacyadii ku dagaallamay Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan

May 25, 2016 - Written by Editor

baladweyneHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in heshiis xabad joojin ah la dhex dhigay maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamayey magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.Odayaal Nabadoono, Masuuliin ka tirsan Maamulka gobolka iyo ciidamada ka tirsan dalka Jabuuti  ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku guuleystay in ay xabad joojin dhex-dhigaan maleeshiyaadkii baryahan ku dagaalamayey magaalada B/weyne.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Macallin Cismaan ayaa sheegay in la kala qaadeen maleeshiyadii  ku dagaalameyey gudaha magaalada B/weyne  wuxuuna xusay in ay hada socdaan wadahadalo u dhexeeya labada garab ee ku dagaalamay  galbeedka magaalada.

Magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa sidoo kale ku fatahay wabiga Shabeele waxaana dagaaladii ka dhacay ay sababeen barkac baahsan  waxaana dagaalada ku dhintay 10 qof.waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online