Madaxweynaha dawladda Puntland iyo danjiraha dawladda Turkiga ee Soomaaliya oo kulan gaar ah wada qaatay.[Masawiro]

May 31, 2016 - Written by Editor

IMG_0072Muqdisho:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u joogaa magaalada Muqdisho ayaa maanta 31-05- 2016 kulan quraac sharaf ah la qaatay danjiraha dawladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Olgan Bakar, waxaana kulankaasi uu ka qabsoomay xarunta cusub ee safaaradda ee dawladda Turkiga ee magaalada Muqdisho, taas oo dhowaan la daah furi doono.

Kulanka quraacda ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf iyadoona quraacda kadib ay Madaxweynaha iyo danjiruhu wada qaateen kulan gaar ah.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa waxa ay ka wada hadleen marxaladdaan kala guurka ah ee dalka Soomaaliya uu ku jiro iyo doorashooyinka 2016-ka ee uu dalku wajihi doono iyo doorka siyaasadeed ee dawladda Puntland ay ku leedahay dalka Soomaaliya.

Sidoo kale danjire Olgan Bakar ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland ku marti qaaday in uu kala soo qayb galo munaasabadda daahfurka dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, taas oo uu si rasmi ah xarigga uga jari doono Madaxweynaha dawladda Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey danjaha dawladda Turkiga sida wanaagsan ee u soo dhoweeyey isla markaana waxa uu ka aqbalay marti qaadka ay dawladda Turkigu u fidisaday ee ah in uu kala soo qayb galo xafladda daahfurka dhismaha cusub ee Safaaradda.

Dhismaha cusub ee safaaradda dawladda Turkiga ee dalka Soomaaliya ayaa ah mid si casri ah loo dhisay isla markaana loo qalabeeyey, sidoo kalena waxa uu noqonayaa dhismaha ugu weyn safaaradaha dawladaha caalamku ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa maalmahan sii wadan doona kulamada kala duwan ee uu la qaadanayo Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxda maamulada kale ee dalka kajira, kulamadaas oo looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online