Madaxweynaha dawladda Puntland oo kulan casho ah la qaatay Danjiraha dawladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya.[Masawiro]

May 19, 2016 - Written by Editor

IMG_8959Muqdisho:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa caawa 19-May- 2016 kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha dawladda Isu tagga  Imaaraadta Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cutmaani.

Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa  ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Maxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf, waxaana kulanka cashada lagu qabtay xarunta Safaaradda Imaadka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo danjiraha dawladda Isu tagga Imaaraadka ayaa kulankooda uga wada hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.

Danjire Maxamed Al-cutmaani ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland ku ammaanay dedaalka ay dawladdiisu ugu jirto horumarinta iyo adkaynta nabad gelyada Puntland iyo doorka ay dawladda Puntland ka qaadatay xal u raadinta Soomaaliya,  isagoona si gaar ah u xusay tanaasulaadkii tirada badnaa ee ay dawladda Puntland u samaysay sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd xaaladda adag ee ay la daalaa dhacaysey 20-kii sano ee ugu dambeeyey.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Isu tagga Imaaraadka carabtu ay marwalba garab taagnaan doonto dawladda Puntland oo ay ka caawiso dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka burcad badeedka iyo la dagaallanka kalluumaysiga sharci darrada ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Danjiraha Imaaraadka uga mahadceliyey soo dhoweyntiisa iyo casho sharafta maamuuska huwan ee uu u sameeyey,  waxaana uu hoosta ka xarriiqay in ay muhim tahay in lasii xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo, ganacsi iyo nabad-gelyo ee ka dhexeeya dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online