Madaxweynaha DFS oo Wareegto ku ansaxiyey Hanaanka Doorashada 2016 (Dhageyso)

May 22, 2016 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in uu xeer madaxweyne ku ansixiyey heshiiskii hannaanka ay u dhaceyso doorashada dalka 2016 taas oo ay horey ugu heshiiyeen madaxda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxweynaha DFS ayaa saaka Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya wuxuuna sheegay in markii uu qiimeeyey xaaladaha dalka uuna eegay maslaxada shacabka Soomaaliyeed  in uu Wareegto ku meel-mariyey hannaanka ay u dhaceyso doorashada dalka 2016 .

Madaxweynuha DFS ayaa qiray in baarlamaanka DFS ay ku adag tahay in heshiiskaas uu ansixiyo, ayna ka dhexmuuqato xildhibaanada DFS kala aragti duwanaansho sidaas awgeedna uu wareegto ku meel mariyey heshiiskii hannaanka ay u dhaceyso doorashada dalka 2016

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in uu dhaqan-galayso wareegtada uu soo saaray maanta, loona baahan yahay in lagu dhaqmo si dalka ay uga dhacdo doorasho xor ah.
Hoos ka Dhageyso Wareegtada Madaxweynaha ku ansaxiyey hannaanka doorashada 2016

Hoos ka Dhageyso Afhayeenka DFS Daa’uud Aways oo Akhrinaya Wareegtada Madaxweynaha DFS ku ansaxiyey Hanaaka Doorashada 2016

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online