Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa Boosaaso ku qaabilay wafuud kala duwan (Masawiro)

May 1, 2016 - Written by Editor

IMG_6888Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 1-May-2016  ku qaabilay qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee magaalada Boosaaso  wefti balaadhan oo ka kala socday dawladda Talyaaniga, dawladda Federaalka Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD.

Weftiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ku soo dhoweeyey Xubno ka tirsan golaha xukuumadda dawladda Puntland, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada reer Boosaaso.

Garoonka caalamiga ah ee Boosaaso oo wejigiisii koowaad dhowaan la soo gebagebeeyey ayaa dhaqaalaha ku baxay waxa bixisay dawladda Talyaaniga sidoo kalena wejiga labaad oo ay ku baxayso xaddi dhaqaale oo badan  ayaa waxaa bixinaysa dawladda Talyaaniga.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in waftigu ay u yimaadeen ka qayb galka daah-furka dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka caalamiga ee Boosaaso oo maalinta berri ah lagu qaban doono isla garoonkaasi munaasabad ballaadhan oo lagu daah-furi doono mashruucaasi.

Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa dawladda talyaaniga uga mahadnaqay taageerooyinka ay u fidiyeen dawlada Puntland islamrahaantaane sheegay  in dawladda talyaanigu ay tahay dawladda keliya ee Puntland ka hirgelisey mashaariicda ugu waawey tan iyo markii la’ aasaasay dawladda Puntland 1998-dii iyo xiliyidii sideetamaadkiiba, isla markaana sheegan in shacabka Puntland iyo dawladdiisuba aanay iloobi doonin sida ay u garab is taagtey dawadda Talyaanigu.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dalwadda Puntland, Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaliya iyo xog-hayaha guud ee urur Goboleedka IGAD mudane Maxbuub Macalin ayaa si wada jir ah xadhigga uga jaray waddo laami ah oo gaadheysa 2km oo isku xiri doonta Dekedda  iyo jidka soddonka oo ay maal-gelisey dawladda talyaanigu.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaaay mashruucasi mid muhim u ah isu socodka gaadiidka u kala goosha magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobollada kale ee Puntland iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya, sidoo kalena tilmaamay in wadadaasi ay culayska ka fududayn doonto waddada laamiga ah ee dhex marta gudaha magaalada Boosaaso.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online