Munaasabad lagu soo dhoweynayey Wufuudii caalamiga ahayd ee Puntland soo gaadhey oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Boosaaso.[Masawiro]

May 2, 2016 - Written by Editor

IMG_7184Boosaaso:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 1-May-2016 munaasabad soo dhoweyn ah ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland ee Magaaalda Boosaaso wufuudii caalamiga ahayd ee ka kala socotey dawladda Talyaaniga, dawladda Federaalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo hay’adaha mashaariicaha ka wada Puntland oo maanta gelinkii hore soo gaadhey magaalada Boosaaso ee xarunta xanacsiga Puntland.

Waftiga ayaa waxa kamid ahaa danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Fabrizio Mercelli, xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin, Wasiirka Duulista hawada dawladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jaangeli, wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afey, hay’adaha Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa ee mashaariicda ka fuliya Puntland iyo hay’adda Talyaaniga u qaabilsan horumarinta iyo mashaariicaha.

Sidoo kale munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka dawladda Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Marwada Madaxweynaha Dr’s Hodon Siciid Ciise, wasiiro, xildhibaano, odayaal dhaqameed, isimo, qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo hobollada Kaah Star oo munaasabadda kasoo jeediyey suugaan kala duwan oo ay ku cabbirayeen horumarka iyo dawlad wanaagga ka jira Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay munaasabaddaasi mid lagu soo dhoweynayo isla markaana lagu muujinayo maamuuska ay dawladda Puntland iyo shacabkeedu u hayaan dawladda Talyaaniga oo doorweyn ka qaadatay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo urur goboleedka IGAD oo wakiil uga ah dawladda Talyaaniga dhaqaalaha tirada badan ee ku baxaya dhammaystirka wejiga labaad ee Madaarka Boosaaso.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in ay dawladdiisu xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland, si uu u kobco  dhaqaalaha waddanku, isla markaana ay u soo bataan fursadaha shaqo ee ay raadinayaan kumannaanka arday ee sannad walba kasoo qalin jebiya Jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland meelkasta oo uu joogoba in ay gacmaha is qabsadaan isla markaana ay isku tashadaan una guntadaan sidii ay u suubin lahaayeen wax soo saar ka-badan kan ay hadda sameeyaan, si dhaqaalaha dalku uu u kobco.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online