Raisul wasaaraha DFS iyo Madaxweynaha Puntland oo wajahan magaalada Qardho

May 23, 2016 - Written by Editor

sharmaarkeQardho:-Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Raisulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa ay ku soo wajahan yihiin magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar .

Magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa waxaa ku qulqulaya Salaadiinta iyo Isimada Soomaaliyeed ka dib markii uu Boqor Burhaan Boqor Muuse uu casumaad u fidiyey dhamaan isimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa in uu maanta ah soo gaaro magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana uu uga sii gudbi doonaa magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar si uu u furo shirka Odayaasha dhaqan Soomaaliyeed uga furmaya magaalada Qardho,

Dhanka kale Raisulwasaaraha DFS ayaa la filayaa in uu soo gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari wuxuuna u sii gudbi doonaa magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Magaalada Qardho ayaa haatan waxaa soo gaaray isimo iyo salaadiin kor u dhaafaya ilaa 30 kuwaas oo ka kala yimid gobalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online