Shirkii Hogaanka Issimada dhaqanka Soomaaliyeed oo ka socda maalinti 2aad magaalda Qardho.[Masawiro]

May 25, 2016 - Written by Editor

13307352_10208339897509529_6382685850444327891_nQardho:-Waxaa maalintii labaad galay shirkii hogaanka Issimada dhaqanka Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, Shirkaan oo maalintii shalay si rasmi ah u furmay ayaa waxaa ka qayb galay Issimo dhaqan oo gaaraya ilaa 110 Issim oo ka kala yimid Gobollada dalka Soomaaliya. Maalintii shalay ayaa Shirka issimada dhaqanka Soomaalyeed waxaa ay doorteen gudi ka kooban ilaa 5 xubnood  oo kala ah:-

1.Ugaas Faracadde

2.Ugaas Maxamad Ugaas Xaashi

3.Suldaan Xaydar Suldaan Suufi

4.Iimaam Cismaan Maxamad

5.Ugaas Xaaji Cabdiraxmaan  Xaaji Xuseen

Shirka hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee ka socda Qardho ayaa waxaa uu noqonayaa shirkii ugu horeeyey oo Madaxd Dhaqanka Soomaaiyed oo dhan 110 Issim ay ka soo qayb galaan si ay uga wada hadlaan arrimaha nabadgelyada iyo in hishiis la dhex dhigo beelaha Soomaaliyeed ee dhex dooda ay ka jiraan khilaafka iyo colaadaha. Shirka hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed  ayaa waxaa uu ka socon doonaa magaalada Qardho mudo 5 cisho ah oo ay Issimadu uga doodi doonaa arrimo badan oo ku saabsan khilaafaadka beelaha iyo si nabad waarta iyo xal loogu raadin lahaa Soomaaliya oo dhan.

Shirka hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed  ayaa saaka wajigiisa labaad marii uu furmay waxaa waano ka jeediyey Sheekh Abdirixmaan Bukhaari oo Issimada ku waanyey in dowrkooda ay qaataan ayna Alle uga baqaan umada Soomaaliyeed ee dhibaataysan una istaagaan hishiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online