Zaylaci Academy oo soo afjartay Dawradii Macalimiinta ee dalka Danmark.[Masawiro]

May 2, 2016 - Written by Editor

13076930_1119441198077385_3869826836118884654_nOdense:-Waxaa shalay soo gabagaboobay Dawradii Macalimiinta ee ay Zaylaci Academy u qabatay Macalimiinta wadanka Danmark. Dawradu waxay ka dhacday Masaajidka wayn ee magaalada Aalborg, waxayna dawradu meeshaas ka socotay labo maalmood oo laga bilaabo sabtidii 30.04.2016 – 01.05.2016.

Waxaa Dawrada Macalimiintu ahayd dawro lagu kobcinayo bareyaasha dugsiyada Danmark. Hadafkeeduna wuxuu ahaa in la soo saaro Macalimiin guulaysta. waxaa kasoo qeybgalay qiyaastii 100 qof oo iskugu jira rag iyo dumar. Maalinkii 1aad ee dawrada waxaa Macalin ahaa Sheekh Dr. Cabdiwali ee dagan wadanka Finland. Sheekhu wuxuu ku bilaabay dawrada marka hore inuu ardayda magacyadooda barto, iyo magaalooyinka ay ka kala yimaadeen.

Intay dawradu socoto wuxuu Dr. Cabdiwali kaga hadlay muhiimadda uu macalinku leeyahay marka la eego horumarka bulshada. Hadaladiisa waxaa ka mid ahaa kor u qaadida Macalinka waxay sabab u tahay inay bulshadu hormarto dhinac kasta. Sidoo kale Dr. Cabdiwali wuxuu Macalimiintu u diray shaqooyin, laylisyo intay dawrada joogaan, waxaana Macalimiinta ka dhex dhacay niqaash midho leh ayagoo ra’yi is dhaafsanaya.

Maalinkii 2aad ee dawrada waxay Macalimiintu dhiganayeen maado la dhaho “Fiqh al-dacwah”, fahamka dacwada. Waxaa Macalin ka ahaa Sheekha Magaalada Aalborg Sheekh Mustafa Abu Rawdah. Sheekhu wuxuu si faahfaahsan u galay maadada asagoo Macalimiinta baraya muhiimadda ay leedahay inuu Macalinku fahmo inuu yahay Daaci. Macalinku maaha kaliya bare quraanka bara, laakiin waa daaci dacwad gudanaya. Marka waxaa laga rabaa inuu xil iska saaro fahamka dacwada, iyo siduu dacwada ku gudbinayo.

Sidoo kale Sheekh Mustafa wuxu ka hadlay hadafka dacwada, sida daaci guulaysta loo noqdo, iyo shuruudaha lagu gaadho guusha dacwada. Dawradu waxay ku soo gabagabowday dardaaran culimada ka soo qaybgashay. Waxaa goobta kalmado ka soo jeediyey Gudiga masaajidka Aalborg, odayaasha iyo akhyaarta magaalada iyo Macalimiintii ka soo qaybgashay dawrada. Ugu dambayntiina Macalin kasta oo dawrada ka soo qaybgalay wuxuu helay Shahaado la gudoonsiiyey.

Zaylaci Academy waxay isla goobta ka iclaamisay inay dawro kale jiri doonto 13-16.05.2016, waxayna ka dhici doontaa Magaalada Odense. Dawradaas waxaa lagu daraasayn doonaa sadex maado oo kala ah Xilyatu Talib al-cilm, Sifatu Salat Al-nabiy, iyo Maaraynta wakhtiga. Culimada ka soo qaybgali doontaa waxaa weeye Sheekh Dr. Cabdinuur(Norway), Sheekh Maxamuud Abu dalxa iyo Sheekh Xambali.

Zaylaci Academy
Odense.Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online