Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Gaas oo cusbitalka Garoowe ku booqday Ugaas Cabdullaahi Ciise[Masawiro]

June 21, 2016 - Written by Editor

IMG_6736Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 21-Jun-2016 cusbitalka guud ee magaalada Garoowe ku booqday Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur oo kamid ah Isimada Puntland oo halkaasi xaalad caafimaad u jooga.

Madaxweynaha ayaa dhaqtarkii dabiibayey ugaaska ka xog waraystay xaalladda guud ee caafimaad ee ugaaska, waxaana uu sheegay dhakhtarku in Ugaasku uu kasoo raynayo xanuun la xiriira dhiigga oo kacay markii  hore isla markaana kor u  dhaafay xadkiisa caadiga ah balse hadda ay xaaladdiisu aad u wanaagsantahay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah uga xog waraystay ugaaska xaaladdiisa caafimaad iyo wax uu dareemayo isla markaana waxa uu Ugaasku sheegay in uu dareemayo xaalad caafimaad oo wanaagsan sidoo kalena uu cusbitalka kala kulmay adeeg caafimaad oo wanaagsan.

Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali booqashiisa uu ku soo booqday cusbitalka iyo sida dhow ee uu ula socdey xaaladdiisa caafimaad.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Eebbe uga baryey in uu Ugaaska siiyo caafimaad degdeg ah, waxaana uu ku tilmaamay ugaaska in uu yahay shaqsi kashaqeeya nabadda iyo midnimada shacabka Puntland, isagoona intaasi sii raaciyey in uu si dhow uga war-qabi doono xaaladda caafimaad ee Ugaaska.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online