Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo.[Masawiro]

June 22, 2016 - Written by Editor

IMG_6779-640x426Baydhabo:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo ka kooban labada gole ee dawladda Puntland iyo Madaxtooyada ayaa maanta 22-Jun-2016 gaadhey magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka kumeel gaarka ah ee Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo si aad u heer sarraysa ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed, labada gole  ee maamulka Koonfur-galbeed iyo Boqollaal dadweyne ah kuwaas oo muddo dhowr saacadood ah Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku sugayey Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wafdigiisa intaasi ka dib waxaa loosoo gudbiyey xarunta Madaxtooyada maamulka koonfur galbeed halkaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Ujeedka Socdaalka Madaxweynaha dawladda Puntland ee Baydhabo ayaa salka ku hayey ka qayb galka shirka Madasha wadatashiga oo galabta  ka furmi doona magaalada Baydhabo isla markaana looga arrinsan doono halka looga dhaqaaqi doono meeshaan maanta la joogo.

Sidoo kale shirka ayaa lagu lafa guri doono dardar gelinta hawlaha horyaalla guddiyada doorashooyinka ee dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah kuwaas oo dhabbaha u xaadhaya soo xulista xildhibaano cusub oo ku yimaadda metelaad shacbi oo dhab ah.

Shirka aya socon doona muddo saddex berri ah waxaana la qorshaynayaa in laysla meeldhigo dhammaan qodobada qabyada ah ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha August iyo September ee foodda inagu soo haya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online