Madaxweynaha dawladda Puntland oo dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe.[Cod/Masawiro]

June 25, 2016 - Written by Editor

IMG_7189Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee magaalada Baydhabo kaga qayb galay shirkii madasha wadatashiga hoggaamiyayaasha qaran ayaa maanta 25-Jun-2016 kusoo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kanooko ee duleedka Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro Xildhibaano, saraakiil Ciidan iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa loosoo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe halkaas oo Madaxweynuhu uu kula hadlay qaybaha kala duwan ee saxaafadda isla markaana uga warbixiyey safarkiisii magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu magaalada Baydhabo kaga qayb galay shirkii madasha wadatashiga qaranka kaas oo lagu dhammaystirayey hawlaha qaybyada ah ee la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shirkaasi uu guul  kusoo dhammaaday isla markaana uu rajeynayo in waqtiga yare ee dhiman wax waliba sidii loogu talo galay ay kusoo dhammaadaan iyadoo la filayo  in ay dalka ay ka qabsoonto doorasho ka wanaagsan middii qabsoontay 2012-kii.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi shacabkii Soomaaliyeed ee galabta lagu gumaaday Hotel Naaso Hablood ee magaaalada Muqdisho waxaana uu falkaasi ku tilmaamay mid ay ka dambeeyaan kooxaha sharwadayaasha Alshabaab.

Hoos ka dhagayso Maddaxweynaha dowladda Puntland oo markii uu yimid Garoowe kula hadlay saxaafadda

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Codka-Madaxweynaha.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online