Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Baydhabo

June 22, 2016 - Written by Editor

IB0A3613Baydhabo:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya, halkaa oo uu si rasmi ah uga furi doono shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Agendayaasha ugu waaweyn ee la filayo in looga doodo shirkan ayaa waxaa ka mid ah doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan, saadka iyo amniga doorashada,  saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda,sameynta guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, arrimaha dib u eegista dastuurka, iyo hannaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska.

Waxaa shirkan ka qeybgalaya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, madaxda dowlad goboleedyada iyo xubno kale.

——————–DHAMMAAD——————-

Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online