Madaxweyne Xassan oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza

June 26, 2016 - Written by Editor

Burci-150x150Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza, Wasiiru Dowlahii Arrimaha Degaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka mid noqday dadkii ku shahiiday weerarkii waxashnimo ee argagixisada ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo keygaba, waxaan tiiraanyada iyo murugada la qeybsanayaa qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu shahiiday Marxuum Burci Maxamed Xamza. Waxaa lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay dalkiisa iyo shacabkiisa. Waxaa uu ahaa nin arrimaha degaanka ee Soomaaliya iyo sidii loo dhowri lahaa dadaal gaar ah u galey, isla markaana magaca Soomaaliya ku darey dalalka sida weyn looga qiimeeyo arrimaha degaanka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada waqtiga badan geliyay dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

——————–DHAMMAAD–————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online