Ra’isul wasaaraha DFS Dr.Cumar Cabdirashiid Cali oo cambaareeyey weerarkii Hotel Naasa-Hablood1

June 27, 2016 - Written by Editor

sharmake

Ra’iisul Wasaaraxa Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy eheladii iyo qaraabadii muwaadiniintii lagu laayay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, asagoo dhaleeceeyay falkaasna ku tilmamay mid arxan daro ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qaraabadii muwadiintii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay bartamaha Muqdisho. Si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehellada Wasiiru dawlihii Bii’ada ee Xafiiskeyga oo weerarkaasi naftiisa ku waayeey. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid banii’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo ka soo horjeeda nolosha iyo horumarka ummada Soomaaliyeed,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkan ismiidaamintaa ee lala beegsadey Hotel Naasa-Hablood1 uusan hakin doonin habsami u socodka hawlaha dawladda iyo hannaanka loogu diyaar garoobayo dalka in ay ka qabsoomaan doorashooyin.

“Anoo aad uga murugaysan dhibka loo gaystay dadka rayidka ah waxaan ummadda u xaqiijinayaa in falkaas argagixiso uusan hakin doonin shaqadii aan u haynay dadkeena iyo dalkeena. Waxaana shacab weynaha u sheegayaa inaan u taaganahay difaacooda xili kasta aana xoojinayno amniga guud ahaan,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay inuusan jirin dambi ummada Soomaaliyeed laga galo oo ka weyn gumaadka lagu hayo dadka rayidka ah ee aysan jirin wax ay galabsadeen iyo cid ay dambi ka galeen xili lagu guda jiro bisha Ramadaan.

-DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online