Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee heer Puntland oo Garoowe Ka Furmay (Masawiro)

June 25, 2016 - Written by Editor

4Garowe: Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 20 ka bisha ramadaan magaala Garoowe ee xarunta Puntland ka furmay tartanka qur’aanka Kariimka ah ee gobolada Puntland.

Tartankan oo ay ku tartamayaan arday gaaraysa 33arday oo kasocoda 11 degmo oo katirsan gobollada puntland ayaa waxaa soo agaasintay Mu’asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo horumarinta .

Munaasabada daah-furka tartanka oo lagu qabtay masjidka wayn ee Al-hudaa Garowe ayaa waxa kasoo qayb galay madaxda ugu saraysa dawlada putland culimaa’udiin aqoonyhayn maamulka Mu’asasda AL-Minhaaj ,gancsato iyo marti sharaf kale. kadib markii lagu furay munaasbada aayadaha qur’aanka kariimka ah ayaa waxaa laguda galay kalmadha masuliyiinta kasoo qayb gashay aygoo cabirayey ra’ayigooda ku aadan munasbada iyo tartanka quraanka kasoo sanad walba kaqabsooma magaalada Garowe .
ugu horayntii waxaa halkaa kalmad wacdi iyo waano ah kajeediyay sh.Maxmed Gaboobe cabdi isagoo waano iyo wax sheeg ku wajahay dhamaan aradyda maclimiinta waridka , madaxda iyo kasoo qaybgalyasha madasha .
shiikha isaga oo kalmadisa sii wata ayaa ardayda ku bogaadiyay xifdinta quraanka iyo gusha ay gareen kulana dar-daarmay barshada macaanida quraanka iyo ku dhaqankiisaba .

Sheikh Mukhtaar Axmed Faarx gudomiyha mu’asasada farca Nugaal oo isna goobta kahadlay ayaa soo dhaweeyay dhamaan ardayda tartamysa ee katimi gobolada iyo hawl-wadeenada tartanka isgoo tilmaamay sida ay ugu farxsanyihiin inay martigaliyaan tartanka quraanka sanad walba .

Gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada tartanka quraanka kariimka ah heer puntland sh.Axmed yusuf daad oo kahdalay munaasbada ayaa kawar-bixiyay tartanka iyo marxaldaha uu soo maray iyo siduu u qabsoomay , wuxuuna tibaaxay ujeedooyinka loo qabto tartankaan oo ay kamid yihiin :
1- Dhiiri galinta da’ayrta xifdisan quraanka kariimka ah .
2- Kuxirka gabi ahaan bulashada quraanka kariimka iyo jeclaysiintiisa .
3- Inlasoo saaro dhalinyar quraanka xifdisan oo kaqayb gala tartamada heer gobol iyo heer caalamiba .
Sheikh Axmed oo sii wata hadalka ayaa tilmaamay in laga gaaray guul badan tartankaan taasoo ay tusaale utahay in arday kamid ah ardadii kasoo qayb gashay tartanka sanadkii 2011 uu ku guulaysty kalinta kowaad heerka gobolada Somalia oo lagu qabtay muqdisho isla markaana kaalinta sadexaad kagalay tartanka heer caalami oo lagu qabtay turkiga kasoo ay kasoo qayb galeen 55 dawladood ardaygaas oo lagumagcabo cumar cusmaan cali kana mid ahaa dadkii kasoo qayb galay madasha furitaanka tartanka .

Sidoo kale waxaa madasha kalmado dhiirigalin . bogaadin iyo dardaaran isugu jira kasoo jediyay masuliyiin ay kamid yihiin : Beeldaaje ismaaciil beeldaaje yasiin oo kuhadlay afka isimada Iyo kalmada ganacsatda oo ku hadlay faarax xaaji mire oo kasocoda shirkada isgaarsiinta Golis.

Wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta puntlad ayaa isna madasha kahadlay isgoo sheegay sida uu ugu farxasnhay xafladaan una bogaadinayo ardayda guulaha kasoo hoyay gobolada ay kasoo bexen sidookale wasiirku wuxuu sheegay baahida loo qabo isku xirka iyo diwaan galinta maclimiinta iyo madaarista quaraanka gobolka tasoo uu sheegay in ay ku guda jiraan xaqiijinteeda .

Ugu danbyntii waxaa hadalka qaatay soona xiray munaasabda dah-furka madaxwayne ku xigeenka puntland ahna kusimaha madax waynha puntland wuxuuna sheegay sida lixaada leh ee uu ugu faraxsanyhay madashaan khayrka iyo quraanka laysugu yimi una bogaadinayo aradyda guusha ay gareen isaga oo umahad celiyay dhamaan intii iska kaashatay qabshada tartanka quraanka kariim aka ah oo ay ugu horayso mu’asasada AL-minhaaj iyo ganacsatada .

Sikastaba ha ahaatee munaasabda oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay ayaa waxay kusoo dhamatay jawi farxad iyo bogaadin leh , intaas kadib waxaa si toos ah loo guda galay qaadista tartanka quraanka kariimka ah kasoo socondoona 2 bari .

Xafiiska warbaahinta Mu’asasada Alminhaaj.
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online