Tartanka Qur’anka Kariimka ee Garowe oo la soo Afmeeray Islamarkaana lagu bixiyay Abaal marimo .[Masawiro]

June 20, 2016 - Written by Editor

vlcsnap-2016-06-19-00h06m33s983Garoowe:-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday Masjidka Al-Huda Garowe Tartanka Qur’aanka Kariimkaa Degmada Garowe ee Caasimada Dowladda Puntland  waxaana ku tartamayay inta badan  Dugsiyada  Qur’aan waxaana ka soo qayb galay Arday gaaraysay 89 Iskugu jira  wiilal Iyo Gabdho waxayna ka kala socdeen 16 Dugsi Qur’aan.

Gudigii Qaadayay tartankaan ayaa ka war bixiyay farqiga u dhaxeeya sanaddii hore iyo sanadkaan waxayna cadeeyeen in is badel weyn oo dhanka horumarka ah ay ardaydu qaadeen markii loo eege sanadadii hore .

Xafladaan Qur’aan akhriska  Waxaa kasoo Qaybgalay Culima Awdiin Isimada Dhaqanka Mu’asasada Al-minhaaj  waaridiin iyo marti sharaf kale oo badan dhamaan mas’uuliyiintii kala duwanayd ee ka hadlay Xafladda ayaa qiray muhiimada ay leedahay Xafladahaan oo kale  iyagoo dhanka kalena u mahad celiyay Macalimiintii iyo Ardaydii waqtiga dheer ku soo bixiyay diyaarinta tartankaan.

Sh Mukhtar Axmed Farax oo ku hadlayay Maamulka Mu’sasada Al-minhaaj ayaa ka warbixiyay danta laga leeyahay in sanad walba lagu Tartamo Qur’aanka waxaana uu sheegay in ay tahay  Sidii loo heli lahaa dad xifdisan Qur’aanka islamrkaana Dhaqan u yahay Kitaabka Allah .

Ugu Danbayntii Waxaa Lashaaciyay Natiijada Kalimihii  ay ardaydu  kala galeen waxaana waxaana Ardaygii galay kaalinta 1aad la siiyay abaal marin gaaraysa $200.

Nuur Jaamac
Garoowe,Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online