Wafdi Cuqaal iyo Wasiiro Puntland ah oo la kulmay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan.[Dhagayso]

June 22, 2016 - Written by Editor

gudoomiye-galanBoosaaso:-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo ismaandhaaf u dhexeeyo Madaxda Puntland oo shalay soo gaaray Degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa xalay kulan la qaatay Issimo iyo Nabadoon ka soo jeeda Gobolka Bari iyo weliba wasiiro ka tirsan Puntland gaar ahaan Wasiirka Qorshaynta Dawlada Puntland Shire Xaaji Faarax ,Wasiir kuxigeenka Ganacsiga C/risaaq Nuur Cumar iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland waxaan la isla qaatay in la adkeeyo Nabadgelyada wixii tabasho ahna lagu dhameeyo wada hadal.

Wafdiga ka tirsan Cuqaasha iyo wasiirada ka tirsan xukuumada Puntland ayaa waxaa ay ka soo kicitimen magaalada Garoowe waxaan soo diray Dowladda Puntland ka dib kulan xalay ay ku yeesheen magaalada Saraakiil ciidanka oo ka tirsan Puntland walow kulanka wax looga hadlay aan weli saxaafaddu helin.

Culimo’udiinka, Issimada iyo Nabadoonada Gobolka Bari ayaa uga digay shacabka Puntland in ay ka foojignaadaan kuwa hurinaya colaad dadka walaalaha ah xili lagu jiro bishii Barakeysnay ee Ramadaan waxaan ay Nabadoonadu ka digeen webabka iyo baraha bulshada lagu wada xiriiro ee hurinaya colaad aan wax natiijo ah laga gaarayn.

Dhinac kale Nabadoon Maxamed Quurshe oo ka mid ahaa Cuqaashii qaybta ka ahaa wada hadaladii saaka dhexmaray Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan ayaa Radio Daljir uga waramay in la isla qaatay in wixii khilaaf ah oo jira lagu dhameeyo wada hadal.

Hoos ka Dhagayso waraysiga Radio Daljir la yeeshay Nabadoon Maxamed Quurshe.

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Nabadoon-Maxamed-Quurshe.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online