War-murtiyeedka ka soo baxay shirki madasha wadatashiga ee Baydhabo

June 25, 2016 - Written by Editor

thumbnailBaydhabo:-Madaxda Soomaalida ee shirka wadatashiga uga socday magaalada bayhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay soo afmeereen shirkii uga socday magaalada Bayhabo maalmihii la soo dhaafay waxaan ay ka soo saareen warmurtiyeed ka kooban 13 qodob.

Hoos ka eeg War-murtiyeedka ka soo baxay shirki madasha wadatashiga ee Baydhabo

1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mahad celin iyo ammaan u jeedinayaan shacabka iyo Dowladda Koonfur Galbeed soo dhoweynta iyo marti-gelinta shirka Madasha Qaran.

2. Madashu waxay dib-u-eegis ku sameysay xubnaha iyo qaab-dhismeedka Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016.

3. Waxay mar labaad ku celisay in la sameeyo khariidad-siyaasadeed qeexan oo 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.

4. Madashu waxay mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee dumarka iyo metelaaddooda. Sidoo kale, Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka dumarka iyo metelaaddooda. Madashu waxay soo dhawaynaysaa howlaha guddiga heerka qaran ee u ololeynaya taabba-gelinta iyo xaqiijinta in la gaaro qoondada loo xaddiday dumarka Soomaaliyeed (30%).

5. Waxay dhammaystireen, saxiixeenna liiska rasmiga ah ee Odayaasha Dhaqanka 135-ka ah ee doorashada 2016.

6. Madashu waxay magacawday guddi ka soo talo bixiya metelaadda iyo maqaamka caasimadda Muqdisho/Gobolka Banaadir. Guddigu wuxuu ka kooban yahay 19 xubnood oo shan ka mid ah ay soo magacawday Dowladda Federaalka, halka dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ay soo magacaabeen min laba xubnood. Guddigu wuxuu talo bixintiisa soo gudbinayaa 17ka Luulyo 2016.

7. Madashu waxay isku raacday miisaaniyad faahfaahsan iyo jadwal howleed waqtiyeysan oo suurta gelinaya in doorashadu ku qabsoonto waqtigii loogu tala galay.

8. Madashu waxay kaloo isku raacday in doorashada 2016 ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee beelaha deggan Somaliland ay yeelato hannaan gaar ah. Si taas loo hirgeliyo, Madashu waxay isku raacday in loo saaro guddiyo ka soo shaqeeya hannaanka loo marayo hirgelinta doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee beelaha deggan Somaliland.

9. Madashu waxay isku raacday in laba xubnood oo dheeri ah loogu daro Aqalka Sare beesha Reer Banaadiriga.

10. Madashu waxay ansixisay qaab-dhismeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed si waafaqsan nidaamka federaalka.

11. Madashu waxay dib-u-eegis ku sameysay shaxda Golaha Shacabka, waxayna saddex kursi oo beesha Harti/Daarood iyo hal kursi oo beesha Madaluug/Dir u wareejisay Jubbaland.

12. Waxay ku heshiisay in shirkeeda soo socda lagu qabto caasimadda Muqdisho 17-20ka bisha Luulyo 2016.

13. Waxay uga mahad celineysaa saaxiibada beesha caalamka sida ay ugu heellan yihiin in ay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hannaanka doorashada 2016, waxayna ku boorrinaysaa ka mira-dhalinta iyo oofinta balanqaadkoodii taageero ee dhaqaale.

——————-DHAMAAD————

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online