Dalbashada ansaxinta Heshiiskii CEDAW waa khiyaamo Diimeed.W/Q: Sh Calinuur Axmad Xoogsade

July 1, 2016 - Written by Editor

indexHeshiiskan loo yaqaan  CEDAW ee la sheegay in lagu sugayo xuuquuqda Dumarka  waxa uu ka mid yahay  heshiisyo  fara badan oo la sheego inay calami yihin kuwaasoo  halqabsi  looga dhigo ereyo la soo naashnaashay   oo ula jeedada tahay  in wax magaradku la moodsiiyo  wax wanaagsan  inay yihiin  kuwaasoo badankood ah kuwa khilaafsan Diinta waxna u dhimaya dhaqanka suuban ee umada.

Allaah mahadii  heshiiskan  CEDAW ma saxiixin wadamo fara ku tiris ah oo  ay Soomaaliya ku jirto mana aha hada in Wazaarad ama qof wax garad ah dalbado in la saxiixo heshiisyadaas ayadoo ay qofkii saxiixa ku qasbanaanayo inuu ka tirtiro sharcigiisa wax kasta oo khilaafsan heshiiskaas CEDAW oo aan dib ka faahfaahin doonon qodobada ku qoran.

Heshiiskan  waxaa la saxiixay markii u horeysay 1979 kii waxaana garhaye ka ahaa wadamada Reer galbeedka iyo ururo  Calmaaniyiinta ah oo aan aaminsaneyn wax diin ah taasoo  sababtay  in qoraalada heshiiskan  ahaadaan kuwa  khilaafsan  diinta Islaamka iyo mabaadii  kasta  oo umad aaminsaneyd.

Heshiiskan  wadamada  saxiixay  waxaa ay hadana badankood diidan  yihiin qodobada  qaar mądaama uu si cad ugasii hor imaanayaan dhaqamada iyo mabaadii daumadahaas aaminsan yihiin, dhanka  kalana wadamada  awooda isbidaya  oo ay ugu horeyso  USA waxa ay ku qasbaan  wadamada faqiiriinka ah ama taagta  daran inay saxiixaan  heshiiskaas ayadoo hadana Mareykanka ka mid yahay wadamada heshiiskan diiday  in ay  saxiixaan.

Hadaba  la yaab  malaha  in xiligaan oo uu wadankeenu  ku jiro xalad jeeb xumo ama mid  awood yaraan xaga doowlada ka jirto in Wazaarada  Haweenka doonaan inay hirgaliyaan sharciyo khilaafsan  Diinteena iyo dhaqankeena  wanaagsan  ayadoo laga yaabo  in Jahli ama jeeb yari  u sababeen isku daygan guracan ee la doonayo in Soomaaliya looga dhaqangaliyo CEDAW.

Laakiin waxaa kasii  yaab badan Waziir ka warfaafinta  iyo saxafiyiinta qaarkood  isku dayaan  in ay qariyaan  khatarta  uu xambaarsan  yahay  Buuga  ay qoray Wazaarada  Haweenka  ee uu ku dalbanayaan saxiixa  Heshiisyada  khilaafsan  Diinta  iyo Dhaqankeena  suuban, waxaan  xasuusinaya lahaa  Wazaarada  Warfaafinta iyo Wariiyayaasha hadii ay ayaga yihiin carabkii  iyo qalinkii  Doowlada  ha ogaadeen in Culumaduna inay yihiin Indhihii, carabkii  iyo Qalinkii  Diinta  iyo Dalka.

Ugu danbeyn umada  Soomaaliyeed

Waxaan  leeyahay  kala doorta Kitaabka Allaah ee Muqdaska ah iyo Buugaagta  madmadow ee lagu hirgalinayo  xeerarka khlaafsan  Diinta  dhaawacayana  akhlaaqda suuban ee umadeena.

Gabagabadii waxaan  xasuusinayaa  aqoon yahanka damiirka Diimeed ama wadaniyadeed leh  inay jawaabo  ka bixiyaan  soon Turjumaan qodobada  Heshiisyada  ay dalbatay in la saxiixo wazaarada  Haweenka sida CEDAW iyo kuwa  kale  ee ku qoran Boga 6aad ee Buuga Waziirada  ansixiyeen ayagoo  ku marmarsiiyoonaya  inuu diinta  waafaqsan  yahay.

Lasoco qeybaha  dambe Maqaalkan.

W/Q: Sh Calinuur  Axmad  Xoogsade
asadxg@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online