Dowlada Federaalka oo Eriday Hay’ado Turki ah

July 16, 2016 - Written by Editor

80BB0F47-6055-49AF-901F-C4A274447D42_cx0_cy10_cw0_w987_r1_s_r1Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta iskugu yimid shir aan caadi ahayn ayaa si xoogleh loogu canbaareyey Afganbigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dawladdu amartay in la joojiyo adeegyo ay bixin jireen hay’ado lala xiriirinayo, nin ay dawladda Turkigu ku eedaysay inuu ka dambeeyey inqilaabka, kaas oo lagu magcaabo Fetxullah Gulen.

Hay’adahan oo ka shaqaynayey Muqdishu ayay ka mid tahay Nile Academy oo bixin jirtay adeegyo dhinaca waxbarashada ah. Waxaa kale oo hay’adaha la xiriiray ku jiray kuwo bixiya adeegyo dhinaca caafimaadka ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay 7 malamood oo ka bilaabanaysa berrito ay dalka kaga baxaan shaqaalaha hay’adahaasi.

Dawladda ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Turkigu ay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay hay’adaasi sidoodii u socon doonaan, maamul cusub na loo yeeli doono.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online