Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Cambaareeyey Weerarkii Garoonka Muqdisho.

July 27, 2016 - Written by Editor

Carteeeee-620x264Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh, ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ay wax yeeladu ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay irida hore ee Madina Gate ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxana uu tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay Qaraxa, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda AMISOM.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ay nabad-diidku ku doonayeen in lagu carqadaladeeyo hannaanka dawlad dhisidda Soomaaliya, waxana uu R/wasaare ku xigeenku tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarka, isagoo alle uga baryay inta dhaawaca ahna in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

“Falkaas Argagixiso ee waxashnimada ah waxaa loogu talagalay in lagu cabsi galiyo shacabka Soomaaliyeed, ee adeeg sada garoonka Aaden Cadde iyo walaalaheena Nabad ilaaliyaasha ah ee AMISOM, waxaana ka xumahay oo xanuunka an la dareemayaa intii ku dhimatay iyo intii ku dhaawacan tayba”ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Carteh ayaa kormeer ku tagey Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo weerarka lala damac sanaa.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online