Laba qarax oo ka dhacay albaabka laga galo xarunta Xalane iyo Agagaarka Garoonka Aadan Cadde .

July 26, 2016 - Written by Editor

2Muqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ugu yaraan 13 qof, ayaa ku geeriyooday qaraxyo saakay ka dhacay agagaaka garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Weerarka labaad ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray albaabka laga galo xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Labada qarax ee lagu weeraray garoonka diyaaradaha Aadan cadde  iyo xarunta Xalane ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari waxaana weerarka sheegtay in ay ka danbeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab Abdicasiis Abu Muscab ayaa u sheegay Al-Jazeera in ay iyagu ka danbeeyeen labada weerar ee lagu qaaday  garoonka diyaaradaha Aadan cadde  iyo xarunta Xalane wuxuuna sheegtay in ay saraakiil ka tirsan UN iyo AMISOM dileen.

Dhanka kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay  warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxyada la la doonaayay xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane ,laakiin ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  ay fashiliyeen dadka ku dhintayna ay u badan yihiin dad rayid ah.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyey in weerarka uu ku wajahnaa  hay’adaha UN-ka balse gaarigii waday wlxaha qarxa uu ku qarxay inta u dhexeysa  albaabka garoonka diyaaradaha laga galo iyo afaafka hore ee xerada Xalane ee loo yaqaan Madiina Gate.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online