Madaxweynaha dawladda Puntland oo Garoowe kaga qayb galay Munaasabad ay ku qalin jebinayeen Macallimiin.[Masawiro]

July 25, 2016 - Written by Editor

IMG_9931-630x420Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25-July-2016 magaalada Garoowe kaga qayb galay munaasabad lagu maamuusayey in ka badan saddex boqol oo macallin oo ka qalin jebiyey kulliyadda tababarka Macillimiinta ee GTEC. Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wax-barashada Puntland, Wasiir ku-xigeenka waxbarashada, xildhibaano, hormuudka kulliyadda GTEC, Abwaano iyo Qoraayo Soomaaliyeed, hay’adda cilmi baarista SIDRA, macallimiinta wax ka dhiga kulliyadda GTEC, waalidiin, macallimiintii ka qalin jebiyey kulliyadda iyo marti sharaf tiro badan.

Kulliyaddaan ayaa sannad walba soo saarta Macallimiin tiro badan  oo ka hawl gala dhammaan gobollada Puntland iyo Soomaaliya, kuwaas oo is beddel mug leh ku sameeya tayada ardayda wax kabarata goobaha waxbarasho ee kala duwan ee gobollada dalka.

Madaxweynaha dawladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo munaasabadda qalin jebinta khudbad ka jeediyey ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Maamulka, Macallimiinta hay’adaha caawiya kulliyadda GTEC iyo macallimiinta ka qalinjebiyey kulliyadda tababarka Macallimiinta ee GTEC.

Madaxweynaha ayaa xusay in macallinnimadu ay tahay shaqada ugu wanaagsan ee uu qof banii’aadam ahi ka shaqeeyo isla markaana waxaa uu tilmaamay Madaxweynuhu in loo baahan yahay in lasii dar-dargeliyo dedaalka loogu jiro sidii loo soo saari lahaa macallimiin tayo leh oo ka hawl gala Puntland, si ay bulshada reer Puntland uga haqab beesho baahida macallimiinta ee ka jirta.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ayaa ballan qaaday in macallimiintaan ka qalin jebiyey kulliyadda Tababarka ee GTEC lagu dari doono sannadka soo socda Miisaaniyadda dawladda isla markaana ay si toos ah mushaharkooda u bixin doonto dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulliyadda u ballan qaaday in ay dawladdu u dhisi doonto hool weyn oo ay ku qabsadaan shirarka iyo xafladaha qalin jebinta, kaas oo ah mid waqtigaan ay kulliyaddu baahi weyn u qabto.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay Macallimiintii ka qalin jebiyey kulliyadda GTEC in in ay aqoontooda daacadnimo ku daraan isla markaana ay u badka si’ wanaagsan ugu hagar baxaan oo soo saaraan ubada wanaagsan oo dhinac walba ka dhisan.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAN

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online